HomeSomali NewsEthiopiaXukuumadda Somaliland oo Mar Kale Fashilisay Shirqool Muqdisho Looga Soo Maleegay Ethiopian...

Xukuumadda Somaliland oo Mar Kale Fashilisay Shirqool Muqdisho Looga Soo Maleegay Ethiopian Airlines iyo Emirates

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ka hortagtay Shirqool maamulka Muqdisho u maleegay Shirkadaha diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Emirates oo labadaba laga leeyahay waddamada Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo xidhiidho dublomasiyeed iyo ganacsi la leh Somaliland.

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada ee Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay Salaasadii shalay kaga warbixisay hawl-gal ay ku kala badbaadisay Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Emirates oo ku sigtay inay isku dhacaan xilli ay dul-marayeen hawada Somaliland 24-kii bishan March.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, abaaro 12:43-kii habeenimadii Axadda, duulimaadka diyaaradda Emirates UAE722 iyo duulimaadka Ethiopian Airlines ETH690 oo labadooduba ku duulayey joog dhan 37,000 feet, ayaa ku sigtay inay isku dhacaan kaddib markii Maamulka Hawada ee magaalada Muqdisho ay labada diyaaradood siiyeen joog, wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen.

“Daqiiqado yar ka hor inta aanay isku dhicin labada diyaaradood, dedaal ay sameeyeen Maamulayaasha Hawada Somaliland iyo duuliyaha diyaaradda Ethiopian Airlines, ayaa sababay in duuliyuhu si degdeg ah u beddelo jooggiisii oo uu fuulo joog dhan 39,000 feet”, sidaas ayaa lagu yidhi -war-saxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda Duulista iyo Madaaradda ee Somaliland oo lagu lifaaqay Muuqaal laga duubay Raadaalka Diyaaradaha laga helo ee Hargeysa.

Hay’adda Duulista ee Somaliland waxa ay dhaleeceyn u jeedisay maamulayaasha hawada ee Soomaaliya oo ay ku eedaysay inay halis ku yihiin bad-qabka duullimaadyada Caalamiga ah.

“Intaas oo kaliya maaha, waxa ay maamulayasha hawada ee Muqdisho (Mogadishu Controllors) si joogto ah u sameeyaan khaladaad kuwan la mid ah, kuwaas oo halis ku ah badqadbka diyaaradaha caalamiga ah,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo intaas ku daray, “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si xirfad sare leh u maamulaysaa diyaaradaha ku duulaya hawadeeda iyada oo ku filan adeegga ay u baahan yihiin, iyada oo mar walba saxaysa khaladaadka ay samaynayso Muqdisho, khaladaadkaas oo horseedi kara masiibooyin aad u wayn.”

Xukuumadda Somaliland waxa ay ugu baaqday hay’adaha ay khususayso iyo caalamka in “is-adkaynta iyo aqoon-darrada” ka muuqata maamulka Hawada Soomalaiya khatar ku yahay badqabka hawada Soomaalida.

Hay’adda Duulista iyo Madaarada ee Somaliland, ayaa bishii February 2024 sidan oo kale uga hortagay inay isku dhacaan Diyaarad ay leedahay Qatar Airways oo nooceedu ahaa Boeing 787 iyo diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo nooceedu yahay Airbus A350, kaddib markii maamulka Hawada Muqdisho siiyey tilmaamo is-khilaafaysan.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories