HomeSomali NewsSomalilandWasiirka Waxbarashada oo Soo Xidhay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee...

Wasiirka Waxbarashada oo Soo Xidhay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Somaliland + Xog Muhiim ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee sannad-dugsiyeedka 2021/2022 ee Somaliland.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga H/Dhexe ee Somaliland, ayaa dalka ka bilaabmay Sabtidii toddobaadkan, waxaana u fadhiistay arday tiradoodu ka badan tahay 37 Kun oo isugu jira Wiilal iyo Hablo dhammaystay waxbarashada Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare.

Imtixaanka Dugsiyada H/Dhexe ee Somaliland oo ay u fadhiisteen in tiro ku dhow 23 Kun arday, ayaa la soo gebo-gabeeyey Salaasadii Toddobaadkan.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Somaliland oo ay u fadhiisteen 14,428 arday oo isugu jira 8,262 wiilal ah iyo 6,166 hablo ah, ayaa la filayaa in la soo gebo-gabeeyo Khamiista Todobaadkan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland, waxa uu booqday isla markaana imtixaanka ku soo xidhay Dugsiga Sare ee Waran-cadde ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ugu kuur-galay qaabka ay arkaydu imtixaanka ugu jiraan iyo ilaalada hawl-wadeennada wasaaradda waxbarashada u xil-saaran sugnaanshiyaha imtixaanka.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo warbaahinta la hadlay ay si qotodheer uga warbixiyeen qaabka uu u soo bilowday Imtixaanku iyo qaabka uu ku soo dhamdaay, iyaga oona fariin muhiim ah diray.

Guud ahaan, Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland oo sannadkan ay u fadhiisteen tiradii ugu badnayn oo wadar ahaan noqonaysa 37,348 Arday, ayaa guud ahaan ba gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay 11 June, 2022 oo ku beegnayd Sabtidii toddobaadkan.

Guud ahaan Somaliland, waxa sannadkan imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay 21,077 arday oo wiilal ah iyo 16,271 arday oo Gabdho ah oo wadar ahaan noqonaya 37,348 arday iyadoo tiradani muujinayso inay sannadkan imtixaanka ugu fadhiisteen tiradii ugu badnayd ee Ardayda Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland.

Sannad-dugsiyeedkii hore ee 2021, waxa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland imtixaanka Shahaadiga ah u fadhiistay 32,849 arday  oo isugu jiray 19,175 Wiil iyo 13,674 Hablood.

Tirada Hablaha Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay, waxa sannadkan ku kordhay 2,597 Hablood, halka tirada Wiilashuna tiradii sannadkii hore u fadhiisatay ka badan tahay 1,902 wiil.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories