HomeSomali NewsSomalilandSomaliland: Ardaydii ugu tiro Badnayd oo u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee...

Somaliland: Ardaydii ugu tiro Badnayd oo u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muxuu Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sannad-dugsiyeedka 2020/2021 kaga duwan yahay kuwii Hore?

Hargeysa (SLpost)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe iyo fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare, ayaa subaxnimadii hore ee saaka oo taariikhdu tahay 19-ka June, 2021 si rasmi ah uga furmay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2020/2021 oo ay u fadhiisteen arday tiradoodu dhan tahay 32,849 Arday oo noqonaysa tiradii ugu badneyd abid ee imtixaanka u fadhiisata, ayaa isugu jira 19,175 Wiil iyo 13,674 Hablood.

Ardayda fasallada 8aad ee Dugsiyada Dhexe ee saaka imtixaanka u fadhiistay, ayaa tiradoodu dhan tahay 21,148Arday iyo halka ardayda fasalka 4aad ee Dugsiyada sare yihiin 11,701, kuwaas oo ka aflaxay waxbarashada 707 Dugsi H/Dhexe iyo Sare oo ku kala yaalla gobollada Somaliland, kuwaas oo isugu jira Kuwo dowli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay.

blankSida ay tibaaxayso Xogta imtixaanka oo aanu ka soo xigannay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ardayda fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe saaka u fadhiistay imtixaanka, ayaa ka kooban 12,290 Wiil iyo 8,858 hablood oo dhammaystay waxbarashada 556 Dugsiyada H/Dhexe ee Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ku kala yaalla gobollada Somaliland.

Sidoo kale, Ardayda fasalka 4aad ee dugsiyada Sare oo isugu jira 6,885 Wiil iyo 4,816 hablood, ayaa ka kala socday 151 Dugsi Sare oo ku kala yaalla guud ahaan dalka, laga soo bilaabo Gobolka Badhan ee Bariga dalka ilaa Gobolka Selal ee Galbeedka Dalka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka oo saaka warbaahinta la hadlay.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo kuwa Sare ee Somaliland oo sannadkan ay ka qayb-galeen tiradii ugu badnayd Ardayda sannad kasta ka aflaxda Dugsiyada dalka, waxa ay ardaydu saaka ku galeen 265 goobood, waxaana hawsha ilaalinta iyo Agaasinta Imtixaanka ka qayb-galay 3,980 hawl-wadeen oo ay ku jiraan 753 askari oo ilaalinaya ammaanka goobaha Waxbarashada.

Masuuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo heer Qaran iyo Heer gobol leh, ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka qayb-galay furitaanka Imtixaanka, waxaana masuuliyiintan ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo gobolka Awdal, gaar ahaan magaalo-madaxda Awdal ka daah-furay imtixaanka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sannad-dugsiyeedka 2020/2021, ayaa ka sokow inay ka qayb-qaadanayaan ardaydii ugu tirada badnayd, waxa uu sidoo kale sannadihii hore kaga duwan yahay inay ka qayb-qaadanayaan hawl-wadeennadii ugu tirada badnayd iyadoo sidoo kale la kordhiyey goobaha imtixaanka lagu galayo.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories