Wasaaradda Shaqo-gelinta oo Ciidanka Booliska iyo Xeer-ilaalinta ku tabobaraysa Ka-hortagga Tacaddiyada Haweenka & Carruurta

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

“Haddii aan laysu iman oo wixii khibrad cusub ee tabobarro u baahan laga wada-hadal, waxa dhacaysa inaynaan si wada-jir ah wax uga qaban Karin hawsha aynu ka wada-shaqaynayno ee ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa dambiyada ka dhacaya dalkeena iyo Ciddii sharciga khilaafaysa” – Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Cabdiraxmaan, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay tabobar ku saabsan ka-hortagga Tacaddiyadda ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta iyadoo sharciga dalka lagu dabbaqayo.

Tabobarka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqo-gelinta isla markaana socon doona muddo saddex maalmood ah, waxa duruusta lagu dhigayo ka faa’idaysanaya xubno ka socda Ciidanka Booliska, Laanta Dambi-baadhista, Xeer-ilaalinta Qaranka oo wada-shaqayn ka dhaxayso Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.

Ciidanka Booliska, Laanta Dambi Baadhista, Xeer-Ilaalinta Qaranka, Daryeelayaashada Bulshada ee Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, ayaa si dhow isaga kaashada wax-ka-qabashada iyo isku-dubaridka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, Carruurta iyo dhammaan Kooxaha u nugul tacaddiyada.

Furitaanka kulanka aqoon-isweyndaarsiga ah, waxa ugu horeyn hadal ka jeedisay agaasime waaxeedka Qoyska ee Wasaaradda Muna Ciise oo sheegtay in muhiimadda aqoon-isweydaarsigani tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Ciidanka Booliska, gaar ahaan Laanta Dambi-baadhista iyo sidoo kale Xeer Ilaalinta Qaranka, kaas oo khuseeya ka-hortagga xad-gudubyada lagula kaco Haweenka, waxaanay xustay inuu daba-socdo tabobarro ay wasaaraddu hore u qabatay.

Madaxa tabobarrada Ciidanka Booliska Gaashaanle Cabdiwaaxid Nuur Axmed, ayaa dhankiisa tilmaamay muhiimadda ay tabobarada noocan ahi u leeyihiin Ciidanka Booliska, waxaanu xubnaha metelaya Ciidanka ee kulanka ka qayb-galay kula dar-daarmay inay ka faa’idaystaan duruusta loo dhigayo isla markaana ay shaqadooda ku dabbaqaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Md Cabdirashiid Ibraahim oo ka hadlay muhiimadda tabobarka, ayaa sheegay inuu kulamada noocan ahi qayb ka yihiin sii xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha ay wada-shaqaynta  leeyihiin ee ku saabsan xakamaynta danbiyada ka dhaca dalka iyo wax-ka-qabashada xad-gudubyada ka dhanka ah shuruucda dalka.

“Haddii aan laysu iman oo wixii khibrad cusub ee tabobarro u baahan laga wada-hadal, waxa dhacaysa inaynaan si wada-jir ah wax uga qaban Karin hawsha aynu ka wada-shaqaynayno ee ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa dambiyada ka dhacaya dalkeena iyo Ciddii sharciga khilaafaysa,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland oo intaas ku daray in tabobarrada ama kulamada noocan ahi kobcinayaan heerka Aqooneed iyo wada-shaqaynta ay Wasaaraddu la leedahay Ciidanka Booliska, Waaxda Dambi-baadhista iyo Xeer-ilaalinta ee dalka.

Agaasimaha Guud ee oo ka hadlayey muhiimadda ugu weyn ee xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adaha xidhiidhku ka dhexeeyo ee tabobarka ka qayb-galay, waxa uu yidhi, “Ujeeddadayadu waxay tahay sidii dalkeennu u noqon lahaa mid Cid waliba, cid nugul iyo cid xoogweyniba, si sharciga waafaqsan ay dalkeenna ugu noolaan lahayd.”

Md Cabdirashiid Ibraahim oo ka hadlayey hannaanka wada-shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha tabobarka loo furay, waxa uu yidhi, “Annagu waxaanu leenahay daryeelayaal-bulsho, kuwaas baa wixii dhibaato ah soo gudbiya, hay’adaha dambi-baadhista ayaanu la wadaagnaa, boolisku iyagaa shaqadooda qabsada, Xeer-ilaalintuna iyadaa wixii dambi ah ku soo oogta ciddii sharciga khilaafaysa, markaa wada-shaqayntaas ayuunbaynu sii xoojinaynaa”.

Tabobarkan noocan ah ayaa noqonaya kii saddexaad ee Wasaaradda Shaqo-gelintu u qabato hay’adaha dowladda ee shaqadoodu la xidhiidho tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta.

 

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

- Advertisement -

Latest News

Ethiopia and Somaliland Disagree Over Security Impact of Recognition

Ethiopia’s ambassador to Israel has warned that recognising Somaliland could complicate counterterrorism operations in Somalia, prompting Somaliland’s envoy to argue that recognition would strengthen Ethiopia’s regional security and strategic position.
- Advertisement -

More Articles Like This