Hargeysa (SLpost)- Wariye Xasan Galleydh, oo ka mid ah suxufiyiinta madaxa-bannaan ee Somaliland, ayaa maanta xabsiga loo taxaabay kaddib markii, sida la sheegay, laga soo qabtay isaga oo ku sugan magaalada Gabiley.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in wariyaha si degdeg ah loogu soo gudbiyey magaalada Hargeysa, halkaas oo hadda lagu hayo xarunta Ciidanka Dambi-baadhista (CID).
Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xadhigga Wariye Xasan Galleydh, mana jirto war rasmi ah oo ay laamaha ammaanku ka soo saareen arrinta.
Si kastaba ha ahaatee, xadhigiisu wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay si weyn uga taagan tahay Somaliland dood ku saabsan xadhigga suxufiyiinta, gaar ahaan kiiska Wariye Cabdiqani Xuseen Abokor (Baylood) oo maalintii 12-aad ku xidhan Xabsiga Dhexe ee Hargeysa.
Xasan Galleydh Oo ka mid ahaa xubno ka mid ah suxufiyiinta Somaliland oo toddobaadkan ka hadlay xadhigga Wariye Cabdiqani Baylood, waxa uu si adag u dhaliilay qaabka loo maray xadhigga wariyaha iyo Xadhigga Rumaanka 7 maalmood ah ee muddo-dhaafay oo uu sharci-darro ku tilmaamay.
Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in xadhigga Baylood uu la xidhiidho arrimo ku saabsan Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Xasan Galleydh ayaa Madaxweynaha dib ugu xusuusiyey mowqifkii uu ka taagnaa xadhigga suxufiyiinta xilligii uu mucaaradka ahaa, isaga oo xusay in xilligaas uu xabsiyada dalka ugu booqan jiray wariyeyaasha la xidho.
Xadhigiisa maanta ayaa sidaas darteed imanaya xilli hadalladiisa ku aaddan xorriyadda saxaafadda iyo kiiska Baylood ay si weyn u soo shaac baxeen.
Wariye Cabdiqani Baylood ayaa la xidhay kaddib markii uu waraysi la yeeshay Abwaan Jiheeye, kaas oo Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey tacaddi iyo dulmi.
Abwaanka ayaa sheegay in xoog looga qaaday dhul uu ku leeyahay meel u dhow guriga uu Madaxweynaha Somaliland ka deggan yahay magaalada Hargeysa.
Markii Abwaan Jiheeye iyo Wariye Baylood la horgeeyey maxkamadda, waxaa loo diray toddoba maalmood oo xabsi-ku-hayn ah (rumaan), kaddib eedeymo uu Xeer-ilaalintu u soo jeediyey.
Labadooduba waxay haatan ku jiraan xabsiga muddo 12 maalmood ah, sida xogta la helayo.
Xadhigga Xasan Galleydh ayaa imanaya iyadoo ay sii xoogaysanayaan doodaha ku saabsan tirada suxufiyiinta la xidhay tan iyo markii ay talada Somaliland la wareegtay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Xildhibaan Maxamed Xuseen Raambo oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa, xilligii la xidhay Wariye Cabdiqani Baylood, sheegay in Baylood uu noqday suxufigii 46-aad ee ay xukuumadda Madaxweyne Cirro xabsiga dhigto muddadii ay talada haysay.
Sida awgeed, Xadhigga Wariye Xasan Galleydh ayaa noqonaya kiiskii 47-aad ee suxufiyiinta la xidhay muddadaas.
Xadhigga Xasan Galleydh ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin dalka Maraykanka, halkaas oo uu ku joogo marti-qaad rasmi ah.
Waqtiga ay dhacday arrintan ayaa sare u qaaday doodaha ku saabsan xaaladda xorriyadda saxaafadda Somaliland iyo sida ay xadhigyada suxufiyiintu u saamayn karaan sumcadda Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda iyo xorriyadaha aasaasiga ah.
Xildhibaan Dr. Ciise Keyd Maxamuud, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa hore u dhaliilay xadhigga suxufiyiinta iyo waxa uu ku tilmaamay cabbudinta xorriyadda hadalka.
Dr. Ciise Keyd, oo hore u soo qabtay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa sheegay in ay isdiiddan yihiin ololaha aqoonsi-raadinta ee Madaxweynaha Somaliland ka wado Washington iyo hab-dhaqanka xukuumaddiisa ee ku aaddan xorriyadda hadalka iyo saxaafadda.
Dooddan ayaa kusoo beegmaysa xilli Somaliland ay dadaal diblomaasiyadeed oo xooggan ugu jirto sidii ay taageero caalami ah ugu heli lahayd qaddiyaddeeda siyaasadeed.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Somaliland oo lagu faahfaahiyey sababta loo xidhay Wariye Xasan Galleydh ama eedeymaha loo haysto.
Wararka Somalilandpost News

