Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Somaliland Oo la soo gebo-gabeeyey

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalka 4aad ee dugsiyada sare ee Somaliland, ayaa Khamiista maanta la soo gebo-gabeeyey.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashada iuo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta imtixaanaadka ayaa sheegay inuu si nabadgelyo ah ku soo dhammaaday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada Sare oo sannadkan ay ka qayb-galeen in ka badan 16-kun oo arday.

Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax waxa uu u mahad-celiyey Ciidammada Ammaanka iyo wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo kaalin muhiim ah ka qaatay habsami u socodka imtixaanka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe oo sannad-dugsiyeedkan ay u fadhiisteen in ka badan 25-kun oo arday, ayaa la soo gebo-gabeeyey Salaasadii toddobaadkan.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland oo guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay 17-kii bishan June, waxa u fadhiistay arday tiradoodu kor u dhaafayso 41-Kun, taas oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee u fadhiisata Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka.

Sannad-dugsiyeedkii hore ee 2021/2022 waxa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay 37-kun oo arday halka sannad-dugsiyeedkii ka horreeyey ee 2020/2021 ay u fadhiisteen in ka badan 32-kun oo arday.

Somalilandpost.news

Contact@somalilandpost.news

- Advertisement -

Latest News

Somaliland-Somalia rivalry over fighters raises tensions around Erigavo

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government and Somalia’s federal administration appear to be competing for influence over armed fighters in...
- Advertisement -

More Articles Like This