HomeSomali NewsSomalilandImtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe ee Somaliland oo La Soo gebo-gabeeyey

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe ee Somaliland oo La Soo gebo-gabeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe, ayaa Salaasada maanta si rasmi ah loo soo gebo-gabeeyey guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa warbaahinta u sheegay inuu maanta soo gebo-gaboobay imtixaanka Shahaadiga ah, gaar ahaan fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe oo sannadkan ay u fadhiistaan in ka badan 25-kun oo Arday.

“Imtixaankii oo dhami maanta ayuu soo dhammaaday, Dugsiyadii Dhexe ee caasimadda oo dhan imtixaankoodii waxa laysugu wada keenay xarunta Imtixaanaadka, iyagoo wada nabad ah ayay yimaaddeen, kuwii gobollada-na way soo wada-baxeen dhammaantood waana la sugayaa”, sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka, waxaanu u mahad-celiyey ciidammada ammaanka oo uu sheegay inay si mug leh uga qayb-qaateen habsami u socodka Imtixaanaadka.

Guddoomiyuhu waxa uu u mahad-celiyey Ardayda Dugsiyada H/Dhexe ee sannadkan ka qayb-galay imtixaanka oo uu sheegay inay si habsami ah ku dhammeysteen isla markaana aanay wax khal-khal ah ku keenin Imtixaanka.

blankImtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 4aad ee Dugsiyada Sare oo sannad-dugsiyeedkan ay u fadhiisteen in ka badan 16-kun oo arday, ayaa la filayaa inuu soo gebo-gaboobo maalinta Khamiista ee toddobaadkan.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare ee Somaliland oo guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmay 17-kii bishan June, waxa u fadhiistay arday tiradoodu kor u dhaafayso 41-Kun, taas oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee u fadhiisata Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka.

blankSannad-dugsiyeedkii hore ee 2021/2022 waxa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay 37-kun oo arday halka sannad-dugsiyeedkii ka horreeyey ee 2020/2021 ay u fadhiisteen in ka badan 32-kun oo arday.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories