HomeSomali NewsSomalilandSomaliland: Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare Oo Si Rasmi...

Somaliland: Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare Oo Si Rasmi ah uga Furmay Gobollada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 4aad ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2022/2023 oo saaka ka bilaabmay 300 Goobood, waxa ka qayb-qalay ardaydii ugu badnayd oo dhammaystay waxbarashada Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa imtixaanka si rasmi ah uga daah-furay Dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxana uu gacantiisa ku qaybiyey nuqullo kamid ah imtixaanka saaka ka bilaabmay dalka oo dhan.

Ugu horrayn, guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay sannadkan imtixaanka u fadhiisanayaan tiradii ugu badnayd abid Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka.

Guddoomiye Daa’uud waxa uu sheegay sannadkan imtixaanka u fadhiisanayaan in ka badan 41-kun oo Arday oo isugu jira 25-kun oo dugsiyada Dhexe ah iyo 16-kun oo Dugsiga sare ah, kuwaas oo aanay ku jirin 3, 243 arday oo ah ardayda Gobolka Sool oo xaalad ammaan-darro awgeed looga reebay, iyadoo fadhi Golaha Wasiirradu sheegay lagu go’aamiyey in ardaydaas imtixaankooda la dammaanad-qaado, sidaasna lagu siiyo dhibcaha imtixaanka.

Guddoomiyaha Xafiiska imtixaanaadku waxa uu sheegay inay sannadkan markii u horeysay ay imtixaanka u fadhiisteen arday aragga naafo ka ah.

blankWasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay daah-furka imtixaanka qaranka ee maanta bilaabmay, waxana uu ardayda u rajeeyey guul.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban goobta ka jeediyey, ayaa u duceeyey ardayda, waxaanu kula dardaarmay inay iska saaraan cabsida imtixaanka, niyaddooda wanaajiyaan, isaga oo bahda waxbarashada iyo guud ahaan qarankaba uga mahadnaqay hirgelinta imtixaanka iyo diyaarintiisaba.

“Imtixaanka waa lasoo wada maray, laakiin wuxuu lamid yahay casharradii hore oo kale oo wax weyn ma aha, haddii wax qaldamaanna berri baa la saxayaa, markaa waxaan dhammaan ardayda u rajeynayaa imtixaanka inay ku guulaystaan, waxaanan hambalyeynayaa wasaaradda waxbarashada iyo dhammaan qaranka Somaliland oo horumar weyn sameeyey,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Sannad-dugsiyeedkii hore ee 2021/2022 waxa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare u fadhiistay 37-kun halka sannad-dugsiyeedkii ka horreeyey ee 2020/2021 ay u fadhiisteen in ka badan 32-kun oo arday.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories