Shirkadda Telesom Oo Ku Guulaysatay Shahaadada Caalamiga ah ee ISO 27001 Certified

Must Read

kaariye
kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom Cabdikarim Maxamed Iid, ayaa Si Rasmi ah u Shaaciyey inay Shirkaddu ku guulaysatay Qaadashada shahaadada Caalamiga ah ee ISO 27001 oo la xidhiidha Nidaamka Maareynta iyo Sugidda Amniga Macluumaadka ee dhinacyada Isgaadhsiinta iyo Maaliyadda.

Shirkadda Telesom ayaa noqonaysa shirkaddii ugu horeysay shirkadaha isgaadhsiinta, Maaliyadda iyo Teknoolajiyadda ee ka jira Somaliland ee si rasmi ah u shaacisay inay ku guulaysatay Shahaadada ISO 27001, taas oo ka dhigan in shirkadda loo aqoonsaday inay buuxisay shuruudaha caalamiga ah ee Nidaamka Maareynta Amniga Macluumaadka (Information Security Management System).

Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, ayaa sidan ku sheegay khudbad uu kaga warramay marxaladihii ay shikraddu soo martay oo uu maanta ka jeediyey Shirweynaha Tiknoolajiyadda ee Somaliland oo maanta ka furmay Hargeysa.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa shirkadda Telesom ku hambalyeeyay inay ku guulaysato Shahaadada ISO 27001 (ISO 27001 Certified). Wasiirku waxa kale oo uu Telesom ku boogaadiyay kaalinta tiknoolajiyadeed ee ay dalka kaga jiraan.

- Advertisement -

Latest News

International economist joins Bank of Somaliland’s Monetary Policy and Research Team

The Bank of Somaliland has appointed Bermudian economist Ywione Darrell to its Monetary Policy and Research Team under the prestigious Overseas Development Institute Fellowship Scheme, bringing international economic expertise to the country's central banking institution.
- Advertisement -

More Articles Like This

- Advertisement -