HomeSomali NewsSomaliaBannaan-bax loogu magac-daray Maalinta Xoreynta Muqdisho oo ka dhacay Caasimadda

Bannaan-bax loogu magac-daray Maalinta Xoreynta Muqdisho oo ka dhacay Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLPOST)- Bannaanbax loogu magacdaray ‘Maalinta Xoreynta Muqdisho’ oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir  ayaa shalay ka dhacay garoonka kubadda Cagta ee Koonis Istaadiyum ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ay ka baxeen dhawaan Maleeshiyada nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Waxa bannaan-baxaas ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan DKMG ah oo ay ka mid ahaayeen Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan. Waxa kale oo Dibadbaxa goob-joog ka ahaa; dadweyne fara badan, Arday, Fannaaniin, Barbaarta Gaashaaman, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidammada DKMG ah ee Soomaaliya, waxaana uu noqonayaa dibadbaxii ugu horreeyay uguna ballaadhnaa ee ka dhaca Degmooyinka Muqdisho ee ay horrantii bishan ka baxday Malleeshiyada Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Gaas oo dadweynihii isku soo baxay la hadlay ayaa sheegay in guushani ay tahay mid aad loogu farxo isagoo xusay inay ku timid dedaal badan oo la bixiyey, waxaanu sheegay inuu uga mahadcelinayo Ciidammada DKMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiweli Gaas wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ka qaybgalo dibadbaxaas, isagoo ku baaqay in shacabku ay adkeeyaan ammaanka, isla markaana wax kasta oo ammaanka wax u dhimaya laga hortago.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Xukuumadda KMG ahi ay sii wadayso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab inta ay dalka oo dhan ka saarayaan, wuxuuna sidoo kale sheegay inay la dagaallamayaan kuwa doonaya inay dhacaan mucaawinada loogu talogalay dadka masaakiinta ah ee dhibaateysan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Tarzan oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ammaanka uu ku xidhan yahay shacabka, balse aanu ahayn mid ay keenayaan Ciidammno shisheeye iyo Ciidammada dowladda midna. “Shacabka ayaa laga doonayaa inay ammaanka deegaannadooda adkeeyaan.” ayuu yidhi Mr. Tarzan oo sheegay isagoo shacabka la hadlayay in kuwii hore uga barakiciyay deegaannadooda ay doonayaan inay iyagoo shaadh qabiil wata ay mar kale carqalado ku furaan, wuxuuna ugu baaqay inay ka digtoonaadaan, balse muu sheegin magacyada dadka uu tilmaamay.

Fannaaniinta iyo Barbaarta Gaashaaman ayaa Heeso iyo Shiribyo kusoo bandhigay halkaas uu dibadbaxu ka socday, waxaana sidoo kale Buraanburro ka qaadayay Haweenka degmooyinka gobolka Banaadir oo ka qaybgalayay dibadbaxa.

Degmada C/casiis ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay toddobaadyadan la wareegeen Ciidammada Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, iyadoo uu ka muuqdo burbur xooggan oo kasoo gaadhay dagaalladii ka dhacay Muqdisho.

Somalilandpost.news

Muqdisho Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories