HomeMaxay Kenya uga baxday dhegaysiga Dacwadda u dhexeysa Somalia ee ka socota...

Maxay Kenya uga baxday dhegaysiga Dacwadda u dhexeysa Somalia ee ka socota Maxkamadda Caalamiga ah?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dalka Kenya ayaa isaga baxay dhegeysiga Dacwadda ku saabsan muranka biyaha Badda Badweynta Hindiya ee u dhexeeya dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya, taas oo maalmihii la soo dhaafay ka socotay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

blankWar qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay inay caddaalad-darro ka tirsadeen nidaamka ay dhegaysiga Dacwadda u waddo Maxkamadda Caalamiga ee Qaramada Midoobay iyo Garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda oo dhalashadiisu tahay Soomaali oo Kenya ku eedaysay inuu u xaglinayo dhinaca Soomaaliya, taasina ay tahay sababta ay u go’aansadeen in aanay ka qayb-galin fadhiga dhegaysiga Dacwadda.

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee AP, dowladda Kenya waxa ay sheegtay inay ku wargalisay diiwaan hayaha maxkamadda in inkasta oo ay mudnaan siinayaan kiiska, haddana dowlada ay ula muuqato in sii waddida dacwadda sharciga oo aanay kalsooni ku qabin ay labada waddan ka hor-joogsanayso inay helaan fursad ay xal kama dambays ah ku gaadhaan.

Bayaanka ay Kenya ka soo saartay ka bixitaanka dhegaysiga Kenya, waxa ay ku sheegtay walaac ay ka muujisay kalsooni-darro ay ku qabto garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda oo lagu magacaabo Abdulqawi Yusuf oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo hore Soomaaliya ugu metelayay Shirkii Saddexaad ee Qaramada Midoobay ka yeelato Sharciga badda sannadkii 1973-kii

Warka ka soo baxay wasaaradda Arrimaah Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inay sidoo kale maxkamadda ku war-geliyeen inay jiraan dhinacyo kale oo dano dhaqaale ka lihi dabka ku sii hurinayaan hurinayaan dacwadda, kaas oo ay sheegeen inay halis ku yihiin isla markaana carqaladeynayaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Soomaaliya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ sannadkii 2014-ka u gudbisay dacwadda ka dhalatay Muranka labada waddan oo salka ku haya xuquuqda lahaanshiyaha iyo xuduudka kala qaybiyo biyaha Badweynta Hindiya.  Aagga biyaha badda ee lagu muransan yahay oo ku fadhiya qiyaastii 100,000 KM labajibbaaran, ayaa la rumaysan yahay inuu hodan ku yahay saliidda, gaaska iyo kalluunka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories