HomeSomali NewsMidowga Afrika waxa uu ku guuldarraystay taakulaynta dadka Afrika ee abaaruhu aafeeyeen,...

Midowga Afrika waxa uu ku guuldarraystay taakulaynta dadka Afrika ee abaaruhu aafeeyeen, halka Dahabshiil laga tilmaamay kaalintiisa mudan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Wargeyska sida weyn loo xiiseeyo ee The economist, oo inta badan looga dambeeyo, kana faallooda arrimaha dhaqaalaha, ayaa warbixin guubaabo ah ka qoray gurmad’ka aan lagu diirsan ee Midowga Afrika ku wajahaan dadyawga qaaradda ee masiibooyinka dabiiciga ahi ku habsadaan, ayna ugu dambeysey abaaraha sida ba’an u naafeeyey noloshii iyo himiladii dhawr boqol oo kun oo Soomaalida ku dhaqan gobollada sii Koonfureeya ee Soomaaliya. Waxa warageysku, dhinaca kale, taabtay tallaabada ku dayashada mudan ee shirkadda Dahabshiil oo si mug leh kaga qayb qaadatay taakulaynta dadka abaaruhu noloshooda halis geliyeen.

Warbixinta Wargeysku qoray waxa uu ku bilaabay sidan:

Hay’adda Qaramada Midoobey waxa ay qiyaasaysaa in ilaa 12 malyan oo qof weli halis u yihiin inay macaluul u god galaan Geeska Afrika. Waxa ay u badan tahay in ilaa 30 000 oo qof oo isugu jira dad waayeel ah iyo carruur ay hore ugu naf waayeen. Xerada qaxootiga ee Dhadhaab eek u taallaKenyahadda waxa ku jira ilaa 400  oo kun qof, waxana laga yaabaa in 100 kun oo kale ku soo biiri karto inta aan sannadku dhammaan. Iyada oo taa laga jawaabayo ayaa hay’adda u sarraysa Afrika ee Midowga Afrika dhowaan qabatay kulanweyne qaadhaan-yabooh ah.

Fikirka ka dambeeya kulankan waxa uu ahaa in madaxda ka talisa Afrika isugu yimaaddaanAddis Ababaoo dhawaaq geesinnimo leh ku xoojiyaan walaaltinimada Afrika ee qarniga 21aad. Dhawr jeer oo uu baaqday ka dib, waxa uu qabsoomay 25 August, iyada oo 20 dal oo keli ah ka soo qaybgashay halka laga rabay 54 dal, ayna goobjoog ahaayeen xayn aad u yar oo madaxweynayaasha qaaradda ka mid ah, sida madaxweynayaasha Ethiopia, Somalia, Djibouti iyo Equatorial Guinea – oo iyadu haysa shir-guddoonka sannadkan.

Kulligood waxa ay isugu tageen US$50 malyuun; halka Qaramada Midoobey caddaysay in US$1.1 bilyan oo kale si deg deg ah loogu baahan yahay. Lama oga xilliga weliba yaboohda Midowga Afrika soo gaadhi doonto Midowga laftiisa si loogu qaybiyo dadka tabaaladu ku habsatay. Jean Ping, oo u ahaan jirey mar dalkaGabonwasiirka arrimaha dibedda, haatanna ah Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Midowga Afrika, ayaa ku qanciyey kulanweynaha la isugu yimi in saddex boqol oo malyuun oo Dollarka Maraykanka ah laga soo wareejiyo madaxyo kale oo ay ururka ugu jireen, tiilleyna Bangiga Horumarinta Afrika. Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in hawlwadeennada Midowga Afrika ku deeqeen laba maalmood mushaharkood si loogu biiriyo gurmadka laga gelayo samatobixinta dadka macaluushu soo foodsaartay.

Tan Midowga Afrika waxa la barbar dhigi karaa laba boqol oo malyuun Dollarka Maraykanka ah oo shacabka Turkiga oo keli ahi bil gudaheed ku soo ururiyeen. Isaga oo muujinaya ‘midnimada aadanenimo’, ayaa Raiisal Wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, booqday caasimadda Somalia ee burbursan ee khatarta badan ee  Muqdisho, iyada oo ay weheliyaan xubno ka tirsan dawladdiisa iyo qoyskiisa. Dawladda Koonfurta Afrika iyana gaarkeed ayay ugu yaboohday US$1 malyuun.

Kaalinta u weyn ee Midowga Afrika ku lahaa Soomaaliya waxa uu ahaa ciidan milatari, oo laga kala keenayUgandaiyoBurundi, oo koox mitid ah oo loo yaqaan Shabab ka hor istaagtay inay caasimadda la wareegaan gacan-ku-haynteeda. Ciidankani waakansigayey ammaanka Raiisal Wasaaraha muddadii uu booqashada ku joogey magaalada.

Halka Midowga Afrika ka muujiyey xamaasad la’aan si wax looga qabto abaaraha, waxa xilkii u weynaa qaaday dadweynaha caadiga ah ee qaaradda oo ururro samafal ku ololeynaya, isuguna diraya taakulada moobaylada iyo farriimahooda gaagaaban (SMS text messages). Urur la yidhaahdo Africans Act 4 Africa ayaa caddeeyey inKenyaoo keli ah dadku qaabkan ku ururiyeen taageero gaadheysa US$2 malyuun.

Ganacsatada Afrika qaarkood ayaa iyaguna gacan deeqsinimo ka muujiyey gurmadka iyaga oo ka kor maray yaboohdiiSouth Afrika. Cabdirashid Duale, hantiilaha Dahabshiil, oo ah shirkad kala xawisha lacagaha, ayaa bixisay US$100 000.

“Intani waa bilow,” ayuu yidhi Cabdirashid.

Somalilandpost.news

Editor@somalilandpost.news

Hargeisa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories