HomeSomali NewsSomaliaWefti ka socda Iiraan oo Muqdisho yimiday iyo Alshabaab oo dhalinyaro ciqaabtay

Wefti ka socda Iiraan oo Muqdisho yimiday iyo Alshabaab oo dhalinyaro ciqaabtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho  (SLPOST)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Iiraan Cali Akbar Saalixi iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho, waxaanu kulammo la yeeshay Madaxda Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, isla markaana waxa uu booqday qaar ka mid ah Xeryaha Barakacayaashu jiraan ee isla Muqdisho.

Dr. Cali Akbar wuxuu sheegay in dalkiisa Iran uu dhaqaale gaadhaya 25-milyan oo Doollar ugu deeqay shacabka Soomaaliyeed si loo caawiyo shacabka dhibaateysan ee ay ku habsadeen Abaaraha iyo colaadda mudda dheer dalkooda ka socotay.

Wasiirka oo ay wehliyeen xubno ka tirsan dowladdiisa iyo ururka Bishan Cas ee dalka Iran ayaa waxay Muqdisho keeneen Deeq gargaar ah oo loogu talogalay in loo qaybiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

“Halkan waxaan u imid inaan arko dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxaana dalkaygu uu ugu deeqay 25-milyan oo Doollar si wax loogu qabto.” ayuu yidhi Wasiirka ammuuraha dibadda ee dalka Iran Cali Akbar oo Saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Weftiga uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran ayaa kulan kula yeeshay xarunta Madaxtooyada Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali, iyadoo kulankaas ka dib uu Ra’iisul wasaaruhu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshaha Waftiga Iran.

Socdaalka Wasiirka iyo xubnaha la socday oo hal maalin ahaa ayaa dib uga dhoofay Muqdisho, waxaana socdaalkiisu uu ku soo beegmay iyadoo dhawaan ay Muqdisho gaadheen madax sare oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo sidoo kale, Madax ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska iyo Guddoomiyaha Midawga Afrika.

Sidoo kale, dadka Soomaliyeed ee dunida dacalladeeda ku kala nool ayaa durba bilaabay inay u soo laabtaan dalkooda hooyo, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo hadda inteeda badan nabadgalyo ka jirto. Waxa maalmahan u dambeeyey Caasimadda dalka Somaliland ee Hargeysa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa dadka hore uga soo barakacay dalka Soomaaliya oo hadda bilaabay inay ku laabtaan Muqdisho. Waxa cidhiidhi badan laga dareemayaa Duullimaadyada Diyaaradaha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ka tagaya ee u duulaya Muqdisho.

Dib ugu noqoshadan Muqdisho ee ay bilaabeen Shacabka Soomaaliyeed ee hore dalka uga maqnaa oo intooda badani ku filiqsan dalalka Soomaaliya la jaarka ah, ayaa timi ka dib markii ay Malleeshiyada Al-Shabaab oo dhibaatooyin fara badan oo dil, dhac,dhaawac, curyaamin cago iyo gacmo goyn ah, cabbudhin iyo cidhiidhi badanna ku hayey bulshada Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku dhaqan, iyada oo dadka Soomaaliya qaxa iyo barakaca ugu wacnaayeen dhibaatooyinkaasi. Haddaba, wax kasta oo dhacay waxa hadda dadka reer Soomaaliya u bilaabantay rejo cusub, waxaanay u muuqdaan kuwo hadda ka soo miiraabaya Suuxdinta niyad-jab labaatankii sano ee u dambeeyey haystay oo marba marka ka dambaysay Xummaddeeda ay la sii itaal-darraynayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Malleeshiyada Al-Shabaab, ayaa weli sii wadda xasuuqa dilka ah ee ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada. Maamulkii Malleeshiyada Al-shabaab ee Muqdisho oo weli ka wada dhammaan magaalada oo meelaha qaar sii jooga inkasta oo laga saaray meelo badan oo Caasimadda ay ka maamulayeen, ayaa shalay xukun dil ah ku fuliyay saddex dhallinyaro ah oo ay ku eedeysay inay ahaayeen jawaasiis, waxaana xukunka dilka ah ku riday Maxkamadda maamulkaas hoostagta.

Saddexda dhallinyarada ah ee la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray: Cabdi Bakaal Macallin, Xuseen Maxamed C/llaahi iyo Ibraahim Maxamed Cabdi iyadoo lagu eedeeyay inay jawaasiis u kala ahaayeen dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo dowladda Kenya.

Fagaare ku yaalla degmada Dayniile ayaa xukunka lagu fuliyay, iyadoo dadweyne badan iyo Saraakiisha Al-shabaab ay goobta ku sugnaayeen, waxaana Qaaddiga Maxkamadda xukunka ridday uu sheegay in dhallinyaradan ay da’doodu u kala dhexeysay 16-sano illaa 31-sano.

Qaaliga Maxkamadda oo lagu magacaabo Sheekh Cumar ayaa sheegay in laba ka mid ah dhallinyaradan ay basaasiin u ahaayeen dowladda KMG ah ee Soomaaliya lagana qabtay Muqdisho, halka midka kale laga soo qabtay degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe uuna jaajuus u ahaa dowladda Kenya. Kuwaasoo ay Toogteen Niman Malleeshiyada Al-Shabaab ka tirsan oo Wejiyada duubtay.

Somalilandpost.news

Muqdisho Office

Nuuriye10@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories