HomeSomali NewsXukuumadda oo shaacisay natiijada Baadhitaanka dhacdadii Foosha xumayd ee Seemaal iyo Magacyada...

Xukuumadda oo shaacisay natiijada Baadhitaanka dhacdadii Foosha xumayd ee Seemaal iyo Magacyada Eedaysanayaasha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley, (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” ayaa maanta ku dhawaaqay magacyada eedaysanayaasha ka danbeeyay dilkii lagula kacay Sadex qof oo aan waxba galabsan ee ka dhacay deegaanka Seemaal iyo hal qof oo lagu dilay deegaanka Ceel bardaale isla markaana amar buuxa ku siiyay Taliyayaasha Ciidamada Qaranka iyo Boolisku sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen eedaysanayaashaas si sharciga loo hor keeno.

Wasiirka Arrimaha  Guduhu wuxuu hadalkan ka sheegay kulan ballaadhan oo ay la yeesheen madax dhaqameedka Gobolka Gebilay.

Wasiirka Arrimaha  Gudaha oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibada,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha , labada Taliye Ciidan ee Qaranka iyo Booliska, kulankaas ayaa lagaga hadlay sidii loo soo qaban lahaa shakhsiyaad ku eedaysan dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka gobolka gebiley sidii ay kaalin muuqata uga gaysan lahaayeen in la soo qabto dhamaan eedaysanayaasha ku lugta leh dhacdadaas si cadaalada loo hor keeno waxaanu halkaasi ka xaadiriyay magacyada shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka danbeeyeen falkii lagu dilay Sadex qof oo aan waxba galabsan kaas oo ka dhacay deegaanka Seemaal kuwaas oo kala ah.

Magacayada eedaysanayaasha

1.   Jimcaale Yabaal Xirsi

2.   Shucayb Cismaan Xirsi

3.   Cismaan Cali Ducaale “Degle”

4.   Mukhtaar Maxamed Xuseen “Geney”

5.   Dayib Aadan Degel fadhi Af-yuub

6.   Yaasiin Axmed Quful

7.   Maqas Maxamed Maal

8.   Cabdi Cumar Xuseen iyo Odaygooda oo uu wasiirku ku sheegay

9.   Cawar Xareed

Sidoo kale waxa uu Wasiirka Arrimaha Guduhu soo bandhigay Shakhsiyaadka loo tirinayo inay ka danbeeyeen dilka hal qof oo ka soo jeeda gobolka gebilay oo maalin kadib dhacdadii Seemaal la dilay.

Magacyada Eedaysanayaasha

1.    Muuse Qoor Gees

2.   Abiib Jaamac Seeraar

3.   Carab Faahiye Dhawal

4.   Ismaaciil C.laahi Buux

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale “Duur” waxa uu amar buuxa ku siiyay labada taliye ciidan inay gacanta ku soo dhigaan eedaysanayaasha loo haysto dilkaas foosha xun.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibada Dr.Maxamed C.laahi Cumar ayaa bulshada ku nool gobolka gebilay waxa uu hoga tusaaleeyay qiimaha nabadgalyada iyo sida ay waajibka u tahay in laga feejignaado wax kastoo dhaawacaya wada dhalashada iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha  ah ee ku nool Gobolada Gebilay iyo Awdal.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Qaranka General Maxamed Xasan Jidhif oo balan ku qaaday inay u hawl galayaan gacan ku soo dhigista eedaysanayaashaas si sharciga loo horgeeyo, waxaa kale oo taliyuhu u soo jeediyay dadka ku nool deegaanada ay dilalkani ka dhaceen inaan lagu arki Karin cid hub sidata .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska General Maxamed Saqadhi Dubad iyo madaxda heer gobol iyo mid degmo ee gebilay.

Weftiga uu hogaaminayo wasiirka arrimaha guduhu waxay markaas kadib u kicitimeen dhinaca gobolka awdal iyagoo haatan ku sugan magaalada Boorama.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories