HomeSomali NewsMadaxweyne Siilaanyo oo soo saaray Xeer-nidaaamitha Faafinta Rasmiga ah ee Go’aamada iyo...

Madaxweyne Siilaanyo oo soo saaray Xeer-nidaaamitha Faafinta Rasmiga ah ee Go’aamada iyo xeerarka Ansaxa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta digreeto madaxweyne ku ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Faafinta Rasmiga ah ee Go’aamada iyo xeerarka maamul ee dawladda.

Xeer-nidaamiyahan uu madaxweynuhu digreetada ku shaaciyay oo ka soo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loogu baahin lahaa xeerarka iyo go’aamada Maamul ee dawladda ka soo baxa Xukuumadda si ay dadweynaha iyo ciddii khusay u gaadho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada isla markaana lagu shaaciyey go’aanka meelmarinta Madaxweynaha ee Xeerkan ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray Xeer nidaamiyaha Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland:-

Isagaoo Tixraacaya:          Qodobka 90, Faqradiisa 12aad  ee Dastuurka JSL ee tilmaamaya  awoodaha Madaxweynaha iyo Qodobka 75aad  ee Dastuurka, oo awood gaara u siinayaa  Madaxweynaha in uu xeerarka dalka ku soo saaro, kuna baahiyo Faafinta Rasmiga ah;

Isagoo ogsoon:                     baahida xooga ah ee loo qabo in xeerarka kala duwan, digreetooyinka rasmiga ah iyo ogaysiisyada lagu baahiyo, laguna faafiyo faafinta rasmiga ah si dhamaan laamaha dawladdu iyo dadweynuhuba ugu baraarugsanadaan dhaqan galka xeerarkaas iyo qoraaladaas;

Isagoo maanka ku haya:      baahida loo qabo in la xaqiijiyo in dhamaan xeerarku ay si sax ah u dhaqangelayaan,  loona fulinayo sidii loo dejiyey;

Markuu arkay:                                      Qodobka 48, Faqradiisa 4aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) ee dhigaya in Garyaqaanka Guud ee Qaranka uu xilsaaran yahay  in uu faafin rasmi ah kusoo saaro xeerarka dalka;

Waxa uu saxeexay isla markaana laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 05/01/2012 Dhaqan-gal ah Xeer nidaamiyaha faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriayda Somalialnd Oo looga golleeyahay in sida ugu dhaqsaha badan loogu baahiyo dhamaan xeerarka iyo go’aamada maamul (Administrative Acts) ee leh saamayn guud iyo ogaysiisyada dadweynaha ee  sharcigu dhigayo in la baahiyo ama ay lagama maarmaantahay in ay si rasmi ah u gaadhaan dadweynaha.”

Hirgelinta xeer-nidaamiyahan ayaa kaalin muhiim ah ka qaadan doona faafinta go’aamada iyo xeerarka dawladda iyada oo uu door muhiim ah ku yeelan doono xafiiska Garyaqaanka Guud ee dawladda oo ah hay’adaha dalka ku cusub ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo soo kordhisay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories