HomeSomali NewsCali Maxamed Ibrahim Cigaal oo ka hadlay Khilaafka UDUB, baaqna u jeediyey...

Cali Maxamed Ibrahim Cigaal oo ka hadlay Khilaafka UDUB, baaqna u jeediyey Garabyada isku haysta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dubai,  (SLpost)- Cali Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ah Wiilka ugu wayn Carruurta uu dhalay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X Ibraahin Cigaal, ayaa ka hadlay khilaafka hadheeyey Xisbiga UDUB oo laba garab u qabsan wakhtigan, isla markaana waxa uu ugu baaqay dhinacyada Xisbiga inay isu tagaan oo ka wadahadlaan waxa ay isku maan-dhaafsan yihiin, soona afjaraan khilaafka, si ay u dhawraan sumcadda iyo midnimada Xisbiga Bahweynta UDUB.

Waxa uu sheegay Cali Maxamed X. Ibraahin Cigaal, ayaa sheegay in Xisbiga UDUB oo Aabbihii aasaasay yahay Xisbi Somaliland wada leedahay, isla markaana aan loo baahnayn wakhtigan in khilaaf ka dhex abuurmo halkii uu bulshada Somaliland iskagaga wadi lahaa, isaga oo xusay inaanu Xisbigu ahayn mid cid gaari yeelan karto ama iibin karto ama ay si kale uga faa’iidaysan karto.

“Waxaan idiinla soo xidhiidhay inaan ka hadlo khilaafka ka dhex-jira Xisbiga UDUB oo ILLAAHAY ha u naxariistee aasaasay Aabbahay. Sidaa daraaddeed, Xisbiga ciddii wadday annagu qoys ahaan marna kumaannaan faragelin, kuna faragelin mayno, laakiin waxaannu ka damqanaynaa in Xisbiga Baweynta UDUB magiciisii iyo sumcaddiisii la xumeeyo oo maanta Xisbigii ummadda Somaliland ku midaysnayd la yidhaahdo waa la iibinayaa, waa wax ceeb ku ah Bahweynta Xisbiga UDUB ku midaysnayd.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed.

Cali Maxamed Ibraahin Cigaal, waxa sheegay inaanu UDUB ahayn Xisbi cidi ka sheegan karto Somaliland, waxaanu yidhi; “Xisbiga UDUB oo ku suntan Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo budh-dhigay aasaaskiisa, maaha Xisbi cid gaar ahi leedahay ama kooxi ay sheegan karto. UDUB Habar-Awal malaha, Ciise Muuse malaha, Habar-Jeclo malaha, Habar-Yoonis malaha, Ciida-gale malaha, Gada-buursi malaha, Dhulbahante malaha, Isaaq malaha ee Somaliland oo dhan baa leh, cid gaar u sheegan kartaana ma jirto. Xisbiga sidaasa ee ay Somaliland oo dhami ku jirto kuna midaysan tahay, waa ceeb iyo sumcad-darro in maanta la yidhaahdo waa la iibinayaa.” “Xisbiga UDUB wuu ka ballaadhan yahay wax shandad lagu rido, wuu ka culus-yahay wax la yidhaahdo maanta waa la iibinayaa oo nin Shandad Lacag ah sita ayaa lagu wareejinayaa, UDUB waxa uu ahaa Xisbi dimuquraaddi ah oo dhexdiisa ay tahay in laga tartamo, ka dibna cidda codka ugu badan heshaa Musharrax noqoto.” Sidaa ayuu yidhi Cali Maxamed I. Cigaal.

Cali waxa uu soo jeediyey in dhinacyada khilaafku u dhexeeyaa xalka isla gaadhaan, waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi; “Khilaafku waa wax iman kara, laakiin Madaxda Xisbiga ee garabbada kala noqday waxaan ugu baaqayaa inay iyagu isu yimaaddaan oo ka wada-tashadaan mustaqbalka Xisbiga iyo sidii uu u sii ahaan lahaa Xisbi ay reer Somaliland ku midaysan yihiin, waxaanan leeyahay isu-tanaasul yeesha oo soo afjara khilaafka Xisbiga ka dhex-taagan, si uu Xisbigu u sii ahaado mid jira. Waayo? Khilaafka maanta waxa uu keeni karaa in la kala jabo oo Xisbigu guul ka keeni waayo doorashooyinka soo socda. Sidaa daraaddeed, waxaan leeyahay Inta uu Guddoomiyihii UDUB Daahir Rayaale idiin imanayo wuu imanayaabaan maqlaye inaad arrinta dhulka dhigtaan midnimadiinnana ka shaqaysaan.”

Xigasho: Ogaal

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories