Hargeysa (SLpost)- Wararka ka imanaya ilo diblumaasiyadeed oo kala duwan ayaa muujinaya in maalinba maalinta ka dambaysa ay sii xoogaysanayaan dhaqdhaqaaqyada caalamiga ah ee la xidhiidha aqoonsiga Somaliland, iyadoo la dareemayo isbeddel cusub oo ku saabsan aragtida beesha caalamka.
Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in dalal badan ay si dhow ula socdaan xaaladda Somaliland, gaar ahaan dadaallada diblumaasiyadeed ee ay wadaan saaxiibada istaraatiijiga ah sida Imaaraadka Carabta iyo Israel, kuwaas oo door muuqda ka ciyaaraya kor u qaadista miisaanka Somaliland ee fagaareyaasha caalamiga ah.
Warbaahinta gobolka qaarkood ayaa sheegaysa in ilo sirdoon ay muujinayaan in dhowr dal ay ka fiirsanayaan inay qaadaan tallaabooyin la mid ah kuwa ay dalalka qaarkood hore u muujiyeen, iyagoo u arka Somaliland inay buuxisay shuruudihii dawladnimo ee caalamku aqoonsan yahay.
Dalalka lagu xusay wararkaasi waxaa ka mid ah Zambia, Dominican Republic, Argentina iyo Eswatini, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin go’aannadooda. Haddana, falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in arrintani muujinayso jihada cusub ee ay u socoto doodda aqoonsiga Somaliland.
Dhinaca kale, dadaallada diblumaasiyadeed ee Somaliland ayaa si gaar ah u kordhay, iyadoo madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku jiro safarro dibadeed oo la xidhiidha xoojinta xidhiidhada caalamiga ah, inkasta oo faahfaahinta safarradaasi aan si buuxda loo shaacin.
Xogahaha la xidhiidha xaaladihii u dambeeyey ayaa muujinaysa in Somaliland ay si tartiib ah u kasbanayso kalsoonida beesha caalamka, iyadoo lagu ammaanay xasilloonida, nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka joogtada ah — kuwaas oo ka dhigaya mid ka duwan dalalka ku yaala Gobolka Geeska Afrika.
Inta badan xeeldheerayaasha arrimaha siyaasadda ayaa rumaysan in haddii hal dal oo miisaan culus leh uu ku soo biiro tallaabada aqoonsiga, ay si degdeg ah u raaci karaan dalal kale, taas oo horseedi karta isbeddel weyn oo ku yimaadda xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika.
Dalka Israa’iil ayaa noqday waddankii u horreeyey ee si rasmi ugu dhawaaqay aqoonsiga madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland 25-kii December, 2025-kii.
Inkasta oo aan weli la helin xogta rasmiga ah ee arrintan la xidhiidha, haddana korodhka wararka iyo dhaqdhaqaaqyada diblumaasiyadeed waxay muujinayaan rajo sii kordhaysa oo ku saabsan mustaqbalka aqoonsiga Somaliland, taas oo lagu sifeeyey tallaabo haddii ay hirgasho beddeli karta jihada siyaasadeed ee gobolka.
Somalilandpost.news


