Maanta oo taariikhdu tahay 3-da May 2026 waxa ay ku beegan tahay xuska 24-guurada ka soo wareegtay geerida Allah ha u naxariistee madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo lagu tilmaamo Aabihii Dowladnimada iyo Dal-dhiska Somaliland.
Marxuumka ayaa geeriyooday 3-dii May 2002, xilli uu xilka madaxweynenimo hayay, isaga oo door weyn ka qaatay dib-u-dhiska, nabadaynta, iyo aas-aaska hay’adaha dowladnimo ee Somaliland.
Xuska Sannadkan ayaa kaga duwan kuwii hore iyadoo Somaliland noqotay waddan madax-bannaanidiisa la aqoonsan yahay kaddib markii dalka Israa’iil 25-kii December 2026 ku dhawaaqay Aqoonsiga Somaliland. Madaxweyne Cigaal (AHN), ayaa intii uu xilka hayey ka hadli jiray Aqoonsiga Somaliland iyo sida uu ku iman karo inay tahay
Marka dib loo milicsado taariikhda siyaasadeed ee Somaliland, waxa si gaar ah u muuqata aragtidii fogeyd ee uu lahaa madaxweynihii hore Allah ha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo ahaa hoggaamiye si qoto dheer u fahmay qaabka ay u shaqeyso siyaasadda caalamiga ah iyo dariiqa dheer ee loo maro aqoonsi raadinta.
Cigaal wuxuu si cad u tilmaamay in aqoonsiga Somaliland aanu si fudud ku iman doonin, balse uu u baahan yahay dulqaad, dhisidda dowladnimo adag, iyo kasbashada kalsoonida beesha caalamka. Maanta, astaamo badan ayaa muujinaya in isharaadiisii si tartiib tartiib ah u rumoobayos. Xidhiidhada diblomaasiyadeed ee sii kordhaya, wada-shaqeynta dhanka amni ee quwdaha caalamka, iyo doorka istaraatiijiga ah ee Somaliland ku leedahay Geeska Afrika ayaa dhammaantood tilmaamaya in aragtidii Cigaal aanay ahayn mala-awaal ee ay ahayd qorshe ku dhisan xaqiiqooyin fog.
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo ay jiraan ifafaalo muujinaya horumar, haddana waxaa weli jira “mafaatiix” muhiim ah oo aan si buuxda loo helin—kuwaas oo ah furayaasha dhabta ah ee aqoonsiga rasmi ah. Mafaatiixdan waxaa ka mid ah midnimada gudaha oo joogto ah, xasillooni siyaasadeed oo aan kala go’ lahayn, iyo hannaan dimuqraadi ah oo si joogto ah u shaqeeya. Somaliland waxay marar badan muujisay horumar dhinacyadan ah, balse caqabado soo noqnoqda ayaa mararka qaar dib u dhigaya sawirkaas wanaagsan.
Dhanka kale, arrimaha juqraafiyeed iyo danaha quwadaha caalamiga ah ayaa door weyn ka ciyaara. Beesha caalamka badankeedu waxay weli mudnaan siinaysaa xasilloonida gobolka, taas oo mararka qaar ka dhigaysa aqoonsiga Somaliland mid ku xidhan isbeddello waaweyn oo siyaasadeed oo ka dhaca gobolka iyo guud ahaan nidaamka caalamiga ah.
Su’aasha taagan maanta waxay tahay: haddii isharaadii Cigaal ay rumoowday, maxaa weli la sugayaa? Jawaabtu waxay ku jirtaa isku-darka arrimo gudaha iyo kuwo dibedda ah, kuwaas oo u baahan istaraatiijiyad mideysan, hoggaan aragti dheer leh, iyo dadaal diblomaasiyadeed oo joogto ah.
Gebo-gebadii, Somaliland waxay maraysaa marxalad u dhow tii uu saadaaliyay Cigaal — marxalad ay jiraan fursado muuqda, balse weli u baahan furayaal sax ah si albaabka aqoonsiga si buuxda loo furo. Fahamka “sirta mafaatiixda” ayaa noqon kara tallaabada ugu dambeysa ee u dhaxaysa rejo la qabo iyo xaqiiqada miiska taala.


