Hargeysa (SLpost)- Kadib, markay soo baxeen xogaha sii kordhaya ee la xidhiidha in Dawladda Imaaraadka Carabtu si rasmiya u aqoonsanayso JSL, ayaa waxa arrintaasi ka hadlay isla-markaana daba-gal iyo baadhitaan ku sameeyay Warbaahinta Israel.
Israel oo noqotay dalkii koowaad ee aqoonsada Somaliland, ka dib 35 sano oo ay wadday dedaal ay aqoonsi kaga doonayso dawladaha caalamka, ayay Warbaahinteeda oo qayb ka ah dedaallada aqoonsi-raadineed ee dawladdoodu ka waddo daafaha dunidu waxay falanqayn ka sameeyeen wararka iyo xogaha sheegaya in Imaaraadku aqoonsanayo Somaliland.
“Imaaraadku waa Maalgeliyaha ugu weyn ee Somaliland, wuxuu aqbalay Imaaraadku Baasaaboorka Somaliland, waxayna u muuqataa in Imaaraadku uu horeba u aqoonsaday Somaliland..” ayuu sheegay Telefiishanka I24 News oo fadhigiisu yahay Israel, kaasi oo soo xiganaya Siciid Ibraahim oo ah Tifaftiraha Somaliland Chroncle oo ka mid ah Warbaahinta Somaliland ee wararka ku baahiyaha Afka Ingiriisiga, waxaanu intaa ku daray in Maalgelinta uu Imaaraadku ku sameeyay Somaliland ay ka mid tahay 442 Milyan oo dollar, taasi oo uu ku horumariyey Dekedda Magaalada Berbera.
Telefiishanka i24News wuxuu intaa ku daray in Imaaraadka oo ka mid ah Afarta maalgeliye ee dalalka Afrika ku sameeyay Maalgelin ku kacaysa Ballaayiinta dollar, ay Somaliland-na qayb ka tahay dalalka helay maalgelintaasi, taasina aanay iska iman ee ay tahay wax ku yimid qorshaha imaaraadku ka leeyahay gobolka iyo Somaliland oo ah goob istaraatiiji ah oo Imaaraadka iyo dawladaha kale ee caalamku u baahan yihiin inay ka faa’idaystaan.
Tifaftiraha Somaliland Chronicle oo la waydiiyey inay suurto-gal tahay in Imaaraadku si rasmiya u aqoonsado Somaliland, ayaa wuxuu ku jawaabay “Waxaanu aaminsanahay in arrintani noqon doonto mid midho dhasha..” ayuu yidhi,
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa sii xoojinaysa xogihii ay sidan oo kale u baahiyeen Suxufiyiinta iyo diblumaasiyiinta u dhashay Imaaraadka, kuwaasi oo saadaaliyey suurto-galnimada in Imaaraadku si deg-deg ah u aqoonsado JSL.
Suxufiyiinta arrintan sida weyn uga hadlaya waxa ku jira Amjad Taha oo ka mid ah Suxufiyiinta ugu caansan Imaaraadka ee falanqeeya arrimaha istaraatiijiga ah ee salka ku haya danaha Imaaraadku ka leeyahay Afrika iyo caalamka intiisa kale.
Waxa kale oo ka mid ah Dadkan u dhashay Imaaraadka ee arrintan ka faalloonaya Siciid Amiiri, Salf Aldere iyo haweenayda lagu magacaabo Abla oo ka mid ah dadka siyaasadda falanqeeya ee la socda qorsheyaasha dawladda Imaaraadka Carabta.
Xogahan oo muhiim u ah Shacabka Somaliland, ayaa ku soo beegmaya xilli uu toddobaadkii 3-aad Madaxweyne Cirro uu safar ku joogo Imaaraadka Carabta.
Israel, ayaa Somaliland aqoonsatay dabayaaqada bishii December ee sanadkii hore, waxayna dhawaan magacowday Safiirka u qaabilsanaanaya arrimaha JSL.
Somalilandpost.news

