HomeSomali NewsEthiopiaXogo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Qodobbada Ay Ka Wada-hadlayaan Madaxweyne Cirro...

Xogo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Qodobbada Ay Ka Wada-hadlayaan Madaxweyne Cirro Raysal-wasaare Abiy Ahmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xogo dheeraad ah, ayaa ka soo baxaya safarka la sheegay in Madaxwynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu dhawaan ku tagayo dalka Itoobiya, xilli uu taagan yahay heshiiskii muranka badan abuuray ee Somaliland la gashay Itoobiya.

Xogo laga soo xigtay Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro uu marka uu tago Addis Ababa uu doonayo inuu Raysal-wasaaraha Itoobiya kala hadlo heshiiskii badda iyo aqoonsiga ee Somaliland la gashay horraantii sanadkii dhamaaday ee 2024, si go’aan kama dambaysa ah looga gaadho.

Wargeyska Horn Observer, ayaa ilo-wareedyo la qariyey u sheegeen in Madaxweyne Cirro ay ka go’an tahay inuu xaqiijiyo aqoonsiga Somaliland xaqa u leedahay, isagoo u maraya dariiqyada suurto-galka ah “Madaxweyne Cirro waxa ka go’an in Somaliland ay hesho aqoonsi buuxa oo ay beesha caalamka ka hesho, wax ka yari ma jiro” ayuu yidhi mid ka mid ah kaaliyeyaasha Madaxweynaha oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, sida uu ku warramay The Horn Observer, waxaanu intaa ku daray “Wuxuu doonayaa wada shaqayn toos ah oo uu la yeesho madaxda Itoobiya iyo caddaymo ku saabsan wixii hore ee aanu la soconin..”

The Horn Observer ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu safarkiisii Jabuuti kulan la yeeshay dublamaasiyiinta Itoobiya oo uu hoggaaminayey Kebede Abera Ido oo ah safiir ku-xigeenka Itoobiya u fadhiya dalka Jabuuti.

Wargeyska ayaa sheegay in Wada-hadalladoodu ay ku saabsanaayeen amniga gobolka, marin-u-helidda badda cas, marinnada ganacsiga, iyo fursadaha maalgashi “Madaxweynuhu waxa uu safiirrada kala hadlay horumarinta dhaqaalaha gobolka, fursadaha maal-gashi, fududaynta ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo,” ayuu hore u sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo xilligaas War-saxaafadeed ka soo saaray xafiiskiisa.

Ku-xigeenka Safiirka Itoobiya ee Jabuuti Kebede waxa uu xaqiijiyey inay Itoobiya danaynayso sii xoojinta iskaashiga qotoda dheer ee kala dhexeeya Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo nabadgelyada, sida uu sheegay The Horn Observer.

Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, ayaa in muddo ah raadinaysay waddooyin kale oo ay u mari karto badda si ay kor ugu qaado awooddeeda wax soo dejinta iyo dhoofinta, waxayna heshiis ku saabsan isticmaalka dekedaha JSL la saxeexatay Somaliland, taas oo ay barbar socotay inay saldhig ciidan ka samaysato badda Somaliland, taa beddelkeedana noqoto dalka koowaad ee aqoonsada Somaliland, arrintaas oo ah waxyaabaha ku jira qodobbada ay ka wada-hadli doonaan Madaxweyne Cirro iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya, ka dib marka uu Madaxweyne Cabdiraxman-Cirro uu u safro Addis Ababa, 12-ka bishan June.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories