HomeSomali NewsHaqab-beelka Cuntada Qaaradda Afrika Iyo Doorka Ay Jamhuuriyadda Somaliland Kaga Jirto -...

Haqab-beelka Cuntada Qaaradda Afrika Iyo Doorka Ay Jamhuuriyadda Somaliland Kaga Jirto – WARBIXIN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Warbaahinta ‘Fox 5 San Diego’ Oo Laga Leeyahay Dalka Maraykanka ayaa War-bixin Ka Qortay Haqab-beelka Cuntada Qaaradda Afrika Iyo Doorka Ay Jamhuuriyadda Somaliland Kaga Jirto.

War-bixinta ayaa tilmaantay in shirkad ganacsi beeralley ah oo fadhigeedu yahay Magaaladda New York ee dalka Maraykanku ay ka bilowday Somaliland hindise rejo leh oo looga gol-leeyahay in Somaliland laga hirgaliyo hannaan beereed dhaxalyeesha, kaas oo qayb ka ah mashruuca haqab beelka cuntada ee qaarada Africa.

Mashruucan ayaa ku saabsan abuurista iskaashi waara, kor u qaadida isku filnaanta cuntada, iyo dhisidda adkeysiga cimilada.

War-bixintan oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dhul nabdoon oo ay ka jirto hannaan dawladnimo oo cago adag ku taagan.

War-bixinta ayaa xustay in qaybo badan oo ka mid ah bulshada Somaliland ay yihiin Xoolo dhaqato iyo beeralley isla markaana baahi weyn u qaba maalgashi cusub oo wax ka tara wax-soo-saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada.

Shirkaddan ganacsi oo Magaceedu African Food Security (AFS), ayaa bilihii la soo dhaafay bilowday samaynta deraasaad ay ku qiimaynayaan deegaanka isla markaana lagu ilaalinayo biyaha, dallagyada adkaysiga leh iyo barnaamijyada ay beerallaleydu rabaan in laga caawiyo.

War-bixintan oo soo xiganaysa xogta hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAO, ayaa sheegtay in xoojinta kaabayaasha beeralayda Somaliland ay fure u noqon doonto sugnaanta cuntada ee mustaqbalka fog

Sidoo kale Alan Kessler, oo ah madaxa shirkadan ee qaaradda Afrika ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland iyo dadkeeda kala shaqeeyaan mashruuc wax weyn ku soo kordhin doona wax soo saarka beeraha.

Waxaa kale oo uu sheegay inay u heellan yihiin fursad ay ku maalgashadaan dal Somaliland oo kale ah, isagoo intaas ku daray inay awood dhaqaale, mid farsamo iyo aqoonba u leeyihiin inay Somaliland ka hirgaliyaan isbeddel muuqda oo la xidhiidha casriyaynta habka wax-beerashada, kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo quudinta xoolaha, taas oo waxtar weyn u noqonaysa Jamhuuriyadda Somaliland.

Horraantii bishii May ee aynu ka soo gudubnay, ayaa Wefti ka socda shirkaddaasi waxay Somaliland ku yimaaddeen booqasho shaqo iyagoo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, iyagoo ku dhawaaqay in mashruuca ay ku maalgashanayaan Somaliland uu ku kici doono lacag dhan $100 Milyan oo Dollar.

Mashruuca oo uu saxeexay Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro, ayaa waxa xilligaas si rasmiya u shaaciyey Wasiirka Wasaaradda Beeraha Maxamuud Cige Yuusuf iyo Wasiir ku-xigeenka Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories