Ceeb iyo Fadeexad: Ergo Dawladda Soomaaliya U Dirtay Shir Caalamiya Oo Tahriibay

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Muqdisho (SLpost) – Xubno ka mid ahaa wefti dawladda Soomaaliya uga qayb-galay shir ka dhacayey Magaalada Geneva ee dalka Switzerland ay baxsadeen, iyagoo si qarsoodiya uga baxsaday Switzerland, si ay dalal kale iskaga dhiibaan.

Dowladda Soomaaliya, ayaa waxa si weyn u gilgilay warka sheegaya in xubno ka tirsan ergadii rasmiga ahayd ee u ambabaxday magaalada Geneva ee dalka Switzerland ay si qarsoodi ah u baxsadeen intii lagu guda jiray safar diblomaasiyadeed oo ay Soomaaliya ku matalayeen.

Xubnaha Weftiga oo ka socday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, ayaa ujeeddadoodu ahayd ka qaybgalka Shirweynaha 113-aad ee Hay’adda Shaqaalaha Caalamka (ILO).

Ergada oo ka koobnayd 23 xubnood, ayaa la xaqiijiyay in kaliya 10 xubnood ay kasoo muuqdeen furitaanka shirka rasmiga ah, halka 13-ka kale ay si lama filaan ah uga maqnaadeen goobta shirka, laguna war helay in ay Tahriibeen, iyagoo Switzerland uga gudbeen waddamo kale.

Arrintan ayaa ceeb iyo fadeexad ku ah dawladda Soomaaliya oo ay ku matali lahaayeen shirka Geneva ka furmay, waxaana wararka dhacdadan la xidhiidha tebinaya Warbaahinta dunida.

- Advertisement -

Latest News

Somaliland warns of heavy Rainfall and flood risks

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government has warned residents across the country to prepare for heavy rainfall, urging government institutions,...
- Advertisement -

More Articles Like This