HomeSomali NewsSomaliland“Somaliland waxa dhawaan ka Qabsoontay doorasho shacabku ku doorteen madaxweyne cusub oo...

“Somaliland waxa dhawaan ka Qabsoontay doorasho shacabku ku doorteen madaxweyne cusub oo aan ku kalsoonahay inay isagana ka go’an tahay sii wadista…” Siilaanyo oo Dhambaal hambalyo ah u diray M/weynaha Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo maanta xilka loo dhaariyey markii labaad ee uu dalkaas hoggaamiyo, kaddib doorashadii muranku ka dhashay ee bishii hore ka dhacday dalkaas.

Md Axmed Siilaanyo waxa uu hambalyada ka sokow ku baraarujiyey madaxweynaha Kenya in sidoo kale doorasho madaxweyne Cusub ku soo baxay ka qabsoontay Somaliland, isagoo u ballan-qaaday  inaanay waxba ka iska beddeli doonin xidhiidhka ka dhexeeya labada waddan maadaama uu kalsooni ka haysto madaxweynaha shacabka Somaliland doorteen ee Muuse Biixi oo uu sheegay inay ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka labada waddan.

Dhambaal hambalyada Madaxweyne Siilaanyo u diray Uhurru Kenyatta oo ku qornaa luqadda English oo bahda Somalilandpost idiin soo tarjuntay, ayaa u qornaa sidan:- “Waxaan si diirran kuugu hambalyeynayaa guushaada anigoo kuu rejaynaya inaad guul ka gaadho masuuliyadda aad madaxda ku qaadatay iyo caqadaha ku gedaaman kursiga aad markii labaad hanatay.

Somaliland waxa dhawaan ka Qabsoontay doorasho shacabku ku doorteen madaxweyne cusub oo aan ku kalsoonahay inay isagana ka go’an tahay sii wadista xidhiidhka saaxiibtinimo iyo wada-kaashi ee ka dhexeeya shacabkeenna iyo masuuliyiintooda.

Waxaanu rejaynayaa inaynaan ka wada-shaqayn oo kaliya sii xoojinta xidhidhak labadeenna waddan, laakiin sidoo kale waxaynu ka wada-shaqaynaynaa sidii aynu ugu dedaali lahayn xoojinta nabadda iyo Barwaaqada gobolka.” Sidaas ayuu Md Siilaanyo ku yidhi warqadda uu u qoray.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories