HomeSomali NewsXarunta Derbi-jiifka Maxamed Mooge oo Ka Nasan Weyday Wasiirka Shaqada

Xarunta Derbi-jiifka Maxamed Mooge oo Ka Nasan Weyday Wasiirka Shaqada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxa xarunta dhaqan celinta iyo daryeelka Darbi jiifka ee Mustaqbal oo ku taalla Xaafadda Maxamed Mooge ee Magaaladda Hargeysa Haldoor-Luul Xasan Mataan ayaa si adag uga cabatay hagardaamooyin iyo camaajurayn joogto ah oo uu wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ku hayo xaruntaasi.

Maamo Luul oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta darbi jiifka lagu xanaaneeyo ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay inay xarunta ay gacanta ku hayso ee mustaqbal ka nasan la’dahay Haddidaado kaga imanaya wasiirka wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre Garaad.

Maamo oo ka hadlaysa gardarrada uu wasiirku hayo ayaa tidhi, “ waxa jira haddidaad iyo Gardarro joogto ah oo xaruntan kaga imanaysa wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Garaad oo markasta oo aan meesha ka tago isagoo xiimaya carruurta ka sasinaya oo Baadhaya xarunta Gudaheeda, arrintanina Sagaalkii bilood ee uu garaad wasiirka ahaaba waa ay socotay, wuuse isasoo tarayey marar raashinka caruurta la gooyana way jirtey imikana meesha lahaan shaheeda ayuu sheeganayaa, “

Maamo luul waxa kale oo ay sheegtay in wasiirku dagaalka uu ku hayo xaruntan lagu xanaaneeyo ubadka aan cidna lahayn ee derbi jiifka ahi uu gaadhay heer uu goosto shidaalkii xarunta iyo lacag ay qaadan jireen dumar karisooyin ahi, waxana ay tidhi, “Raashinka miisaaniyadda qaranka ugu jirtaa waa 0.6, mana aha wax qarsoon, waxa uu jaray toban litir oo shidaal ah oo wasiir ilhaan noo qortay wuu naga jaray wasiir garaad, saddex dumar ah oo uu wax yar siin jireyna wuu naga joojiyey, Haatana waxa uu na saaray cadaadis dheeraad ah iyo in mar walba ciidanka meesha jooga loogu hanjabo in la beddelayo oo meesha laga kaxaynayo”

Waxa kale oo ay maamo luul sheegtay inuuu wasiir Garaad Haatan marayo heer uu cidkasta oo isku dayda inay xaruntaas wax tarto uu ku yidhaahdo aniga I soo mara, waxana ay tidhi, “Waxan leeyahay Garaad waa awoowe carruurta haka daayo hagardaamada, dhulkii danta guud waa buuxaane halkana tacab baa galay, waxana iska leh caruurtaa yaryar ee diiftu ka muuqato ee u baahan in qorshe wax ku ool ah loo sameeyo ee uu ku hayo hagardaamada joogtada ah, waxana uu gaadhay inuu cidkasta ku yidhaahdo aniga I soo mara. Shaqadii iyo raganimadii Garaad waxa ay noqotay inuu annaga nagu foognaado, khibrad yaridiisiina waxa ay noqotay inuu weerar ku soo qaado caruur daranyeysan oo baahi badan qaba, waxana nalagu hayaa baadhitaanno joogto.”

Ugu dambayntii maamo luul Xasan Mataan waxa ay u soo jeedisay Baaq wax ku ool ah xukuumadda Somaliland, culimaa’udiinka, wax garadka, ganacsatada iyo cidkasta oo inuu damiir leh inay soo faro geliyaan Gardarrada uu wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ku hayo xaruntaas lagu Hayo ubadka aan cidna lahayn ee Gidaarrada xabagta ku cabayey.

Sidoo kale waxa iyaguna madasha ka hadlay qaar ka mid ah  hawlwadeennada Xarunta , kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Barbaarisada xarunta ee gacanta ku haysa korinta iyo daryeelida ubadkan yaryar, Macalimiinta xarunta ee ardayda wax u dhiga, haweenka cuntada u kariya ubadka, waxaanay dhammaantooda si siman uga hadleen tacadiga uu Wasiirku ku hayo xarunta iyo in ubadku ka nasan waayeen oo ay ka sasaan .

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories