HomeSomali NewsSomalilandSiidh La’aan soo Wejahdey Beerlayda Gobolka Gabiley oo Dabar Ku Noqotay Dalaggii...

Siidh La’aan soo Wejahdey Beerlayda Gobolka Gabiley oo Dabar Ku Noqotay Dalaggii Beeraha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Gobolka gabilley oo ah gobolka ugu beeraha badan guud ahaan dalka jamhuuriyada somaliland isla markaana dadka ku nool 90% ay noloshoodu ku xidhantahay beeraha ayaa waxaa la soo darsay mushkilad xaga abuurka ah ama siidhka ah taasi oo saamayn weyn ku yeeelatay beerlayda gobolka iyo guud ahaan beeralayda wadanka oo dhanba,waxaana mudo bil ah kala go,naa oo laga waayay suuqyada somaliland siidhkii xabxabka iyo tamaandhada kuwaasi oo ah saraca ugu beerista badan dalka waxayna tani sababtay in ilaa hada iyadoo beerihii la rogay roobkiina ku da,ayo inaan wax abuur ah lagu ridin waxayna ka dhursugayaan bal in la helo siidhkii xabxabka iyo tamaandhada

Helista siidhka ama abuurka ayaa waxay tahay mid kamid ah mushkiladaha ugu waawayn ee haysta beeralayda dalka  waxaana wadanka siidhka keena hal dukaan oo kaliya oo hargaysa ku yaala kaasi oo kenya ka keena haduu ka dhamaadana  aanay jirin meel kale oo loo doontaa.

Siidhkan ayaa waxaa qiimihiisa sarre u sii qaaday beeralayda dalka ayaa waxay caado u leeyihiin inay halmar wax wada beeraan haday tahay beer biyood iyo haday tahay beer rooobaad .

halmar ayaa waxay wada beerayaan xabxab markaasuu suuqu wada xabxab noqonayaa halmarna waxay beerayaan tamaaandho markaasaa tamaandhadii badhayso noqonaysaa tanina waa mushkilad haysata oo ah qorshe la,aanta beeraha dalka  inkastoo ay badanyihiin mashaakilka haysta beeralayda wadanka hadana waxaa ugu daran mashaakilka ka haysta xaga siidhka iyo suuqgaynta saraca beeraha.

Beeralaydan gobolka gabiley oo ah laf-dhabarta dhaqaale ee gobolka isla markaana waxsoosaarka ugu badan dalka soo saara ayaa hadana aanay jirin  wax miisaaniyad ah  ama kaalmo ah oo ay u qorsheeyeen haday noqoto maamulka dawlada hoose iyo haday noqoto  dawlada dhexe iyo wasaarada beeraha somaliland oo haba yaraatee aan ka gargaarin mashaakilka ay la daalaadhacayaan beeralaydu,waxayna kaliya arkaan beeralaydu wax dawlad sheeganaya marka laga rabo cashuurtii beeraha.

Inkastoo dhawaan la rajaynayo in la keeno siidhka xabxabka hadana hadii sidan lagu sii waayo waxay saamayn xoogan ku yeelan doontaa guud ahaan suuqyada khudaarta ee somaliland waxaanu xabxabku suququl noqon doonaa  bisha barakaysan ee ramadaan ee inagu soo foolka leh  maxaa yeelay waxay ku soo beegan tahay wakhtiga la goosan doono  midhaha xabxabka xiligan la beerayo

Weriye Cabdikariim Muxumed Cadde(Qaamuus)

Gabiley, Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories