HomeSomali NewsSomalilandDugsiyada Sare iyo Dhexe ee Nuuradiin oo Koobsaday Kaalmaha ugu Sarreeya Natiijada...

Dugsiyada Sare iyo Dhexe ee Nuuradiin oo Koobsaday Kaalmaha ugu Sarreeya Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dugsiyada sare iyo dhexe ee Nuuradiin oo ka mid ah iskuullada gaarka loo leeyahay, uguna ballaadhan ee ka dhisan Somaliland, ayaa markii ugu horreysay taariikhda koobsaday tirada ugu badan ee ardayda kaalmaha ugu sarreeya ka galay natiijada imtixaannaadkii shahaadiga dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka oo si rasmi ah loogu dhawaaqay shalay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Guddiga Imtixaankaadka Qaranka Mr. Daa’uud Axmed Faarax oo shir-jaraa’id ku oo ay shgalay ku qabteen xarunta imtixaanaadka qaranka ku shaaciyey natiijada imtixaanka fasallada 8aad ee Dugsiyada Dhexe iyo Fasallada Afraad ee Dugsiyada Sare, waxa ay ku sheegeen in imtixaanka sannadkii hore ee 2011/2012 ay u fadhiisteen ardaydii tiradoodu ugu badneyd abid taariikhda waxbarashada Somaliland kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 17,468 oo arday oo isugu jira kuwa Dhexe iyo kuwa Sare.

“Sannadkan ardeyda imtixaanaadka u fadhiisatay dugsiyada sare waxay dhan yihiin 5842 ardey oo kala dhigta 63 dugsi, waxana gudbay 5645 ardey, iyadoo ay daceen 3 ardey oo ka tirsan dugsiyada Gobolka Maroodi-jeex, waxana imtixaankan ka maqnaaday 187 ardey.

Dugsiyada dhexe waxa galay imtixaanka sannadkan 11,626 ardey, kuwaasi oo kala dhiganayey 212 dugsi, waxana najaxay 11,608 ardeym 407 ayaa ka maqnaaday, waxana dhacay 9 arday,” ayey tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.

Gebo-gabadii Munaasibaddaas,wasiirka waxbarashadi waxa ay shaacisay magacyada 20 arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanaadka shahaadiga sannad-dugsiyeedka 2011/2012 ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka, kuwaasoo ay si la yaab leh kaalmaha ugu horreeya, uguna badan ka galeen ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ee Nuuradiin oo ku guulaystay inay xataa sannadkan ka dhibco sarreeyaan kuwa wax ka barta dugsiga sare SOS ee degmada Sheekh.

Magacyada tobanka arday ee ugu sarreeyey dugsiyada sare ee dalka oo ay ku jiraan kuwa iskuulka SOS waxay kala yihiin:

1. Mohamuud Muuse Ali Egeh (Nuuradiin 1)

2. Hamse Faarah Abdilaahi Abdi (Nuuradiin 1)

3. Muuse Ahmed Aynaanshe Odowaa (SOS)

4. Abdifatah Ahmed Abdi Sarhaye (Nuuradin 1)

5. Abdirahmaan Huseen Ismaacil (SOS)

6. Abdiwahaab Mohamed Abdirahman (SOS)

7. Ahmed Xersi Osman Awed (SOS)

8. Mohamed Sugule Abdi Rageh (Abuhuraira)

9. Salma Hassan Osman Dualeh ILAYS (Hargeysa)

10. Yahye Rashid Omer Farah (Nuuradiin 1).

Tobanka arday ee ugu dhincaha sarreeyey imtixaanka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka waxay afar ka mid ah ka tirsan yihiin dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Nuuradiin, kuwaasoo koobsaday kaalmaha 1aad, 2aad, 4aad iyo 10aad.

Sidoo kale, tobanka arday ee ugu dhibcaha sarreeyey dugsiyada dhexe ee dalka waxay kala yihiin:

1.    Mustafe Ismaaciil Maxamed (Nuradin) -Maroodijeex

2.    Cabdixakiin Yaasiin Saleebaan  (Sh Ibraahin) -Togdheer

3.    Muna Maxamed Aadan Jaamac  (Nuradin) -Maroodijeex

4.    Sakariye Axmed Siciid Cigeh (Al-irshaad) – Maroodijeex

5.    Farxan Jaamac Cabdilaahi      (Al-khayr)  Maroodijeex

6.    Yaasiin Cabdillaahi Caydiid    (Sh Ibraahin)  Togdheer

7.    Farduus Axmed Maxamed      (Smart) Togdheer

8.    Cabdiraxmaan Xasan Saleban  (21 November)  Togdheer

9.    Mawliid Axmed Barre   (New Gabiley)  -Gabiley

10. Cabdiraxmaan Cisman Max’ed   (Oday X Max’ud) Saaxil

Ardayda ka sokow, guulaha la yaabka leh ee dugsiyada Nuuradiin ka soo hooyeen imtixaanaadkii shahaadiga dugsiyada sare ee dalka inay markii ugu horraysay taariikhda ku dhibco tirsadeen ardayda ka qallinjebiyay Dugsiga hoyda Sheekh oo aan sanad qudha lagaga horumarin kala-sarraynta dhibcaha ardayda dugsiyada Somaliland.

SOMALILANDPOST.NEWS

webmaster@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories