HomeSomali NewsGuddida Wanaag-Farista oo Warbixin ay U jeediyeen Golaha Guurtida Ku Bandhigay Halista...

Guddida Wanaag-Farista oo Warbixin ay U jeediyeen Golaha Guurtida Ku Bandhigay Halista Maandooriyaha iyo Carruurta Darbi-jiifka ah oo Dalka ku soo badanaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan ka-reebista Somaliland, ayaa maanta Golaha Guurtida faahfaahin ka siiyey hawl-qabadyadii u dambeeyey iyo tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay ka gaadheen hawlaha ay bulshada u hayaan iyaga oo warbixin faahfaahsan ku soo bandhigay sida ay ula tacaalaan caqabadaha ka dhanka ah Asluubta iyo Dhaqanka suubban ee Diinta Islaamka oo faro-baas ku haya dhalinyarada.

Gudida wanaag faristu waxay u soo jeediyeen Golaha Guurtida in ay maalinba ta xigta soo kordhayaan qorshayaal abaabulan oo qaab khaldan loogu sahlayo dhalinyarada inay xadgudub ku dhacaan, waxaana gudidu tilmaameen in beryahan dambe gudida wanaag faristu la socotay xarumo laga furay caasimadda oo lagu sheegayo in dhalinyarada dhaqanka lagu barayo, hase yeeshee aanay shareecada islaamku ogolayn in la is dhex geliyo hablaha iyo wiilasha ajnebiga iska ah.

Guddida wanaag faristu waxa kale oo ay qaylo dhaan ka soo jeediyeen caruurta derbi jiifka ah oo ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn ee dalka waxayna ka dalbadeen golaha guurtida inay ka hawlgalaan sidii caruurtaasi oo 80% u badan reer Somaliland loogu xerayn lahaa xarumaha cusub ee loo sameeyey.

Qodobka sadexaad ee ay gudida wanaag faristu hor dhigtay golaha guurtida ayaa ahaa digniin ay ka jeediyeen maandooriyaha sida uu maalinba ta xigta ugu soo badanayo dalka gudihiisa, waxana ay soo jeediyeen in la mamnuuco xarumaha lagu iibiyo kiniinka la isku daroogeeyo.

 Fadhiga Golaha Guurtida ee Maanta oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golahaas Md Siciid Jaamac Cilmi, waxa ay dood ka yeesheen qodobka shanaad ee dhaqanka iyo arimaha bulshada oo ka mid ahaa ajandayaasha kalfadhigooda.

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ku kala aragti duwanaa dooddaas ay ka yeesheen qodobka shanaad ee ajandaha kalfadhigooda oo ka hadlaya arrimaha dhaqanka iyo bulshada, kaas oo si weyn loogu sii ambo-qaadi doono fadhiyada golaha ee soo socda.

SOMALILANDPOST

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories