HomeSomali NewsSomalilandUrurka Suxufiyiinta ee SOLJA oo sheegay inay Maxkamadda Sare u gudbiyeen Dacwad...

Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA oo sheegay inay Maxkamadda Sare u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Xeer Ilaalinta Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ururka SaxaafaUrrda Somaliland ee SOLJA ayaa si adag u cambaareeyey Falal ay sheegeen in Xukuumadda talada haysaa ay kula kacday qaar ka mid ah Warbaahinta Madaxbanaan Masuuliyiinta sare ee SOLJA oo shalay shir jaraa’id ku qabtayXafiisooda ayaa sheegay inay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo uga fadhiyaan inay si dhaqso ah u joojiso dhamaan tacadiyada ay ku hayso Saxaafada Xorta, isla markaana ay fulliso ballan-qaadkeedii xilligii Ololaha Doorashooyinka.
Sidoo kale Madaxda SOLJA ayaa Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ku camaabreeeyeen Dacwadaha ka dhanka ah Saxaafada Madaxbanaan, kaasoo ay u marto Xeer Ilaalintu nidaamka Xeerka Ciqaabta Guud Ugu horayn waxa shirkaas jaraa’id ka hadlay Xogahayaha Guud  ee SOLJA Maxamed
Rashiid Muxumed Faarax, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay. “ Muddadii sanadka ahayd ee ay Xukuumaddu jirtay waxay ugu yaraan Siddeed dacwadood ayay ku soo oogtay  qaar ka mid ah Saxaafada dalka, taasoo macnaheedu yahay inaanay dacwad la’aan joogin, waxa kale oo intaas dheer wakhtigii Ololaha Doorashada oo hadda laga joogo sanad iyo saddex bilood xisbiga KULMIYE waxa uu ku Ololeeyay inay ilaalin doonaaan xorriyada Saxaafada, isla markaana ay dhaqan galin doonaan Xeerka Saxaafada ee Xeer No : 27/2004 ee  sharciga ah.”
ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee SOLJA Maxmed Rahshiid, waxaanu intaas ku daray.  “ Waxay Xukuumadda KULMIYE ku tumatay xeerkaasi waxay samaysay si la mid ah Xukuumaddii UDUB, waxaanay wali isticmaashaa in xafiiska xeer ilaalinta Guud uu saxaafada dacwad ku soo oogo, halkii ay ka ahayd in masuulka dacwoonayaa  uu Qareen madaxbanaan qabsado, waxa intaas dheer Xukunnada Ciqaabta ah oo hadda ku dhacay Wargeysyada Saxafi iyo Waaheen, iyadoo ilaa Lix kale a ay dacwadahoodu  socdaan, haddaba Urrurka Suxufiyiinta SOLJA waxa uu Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku cambaaraynayaa Falkaasi, waxaanu Madaxweynaha ka codsanayaa inuu arrintaas wax ka qabto Masuuliyiintiisana ku wargaliyo inay dhawraan qawaaniinta Saxaafada ee dalka.” ayuu yidhi  hadalkiisa raaciyay Xogahaya Guud ee SOLJA oo akhriyay qoraal baaq ah oo Ururkaasi soo saaray.
Waxa kale oo isagauna ka hadlay shirka Gudoomiyaha Urrurka SOLJA Xasan Maxmed Yuusuf , waxaanu yidhi: “ Xukuumaddu xaq ugu malaha inay Saxaafada kala qaybqaybsato, oo ay tidhaa kanaa wax si wanaagsan inoogu qora ama kanaa inala col ah ee yaanu soo galin shirka Jaraa’id, arintaasi waxaanu u aragnaa arrin caabuq keeni karta oo aan wanaagsanayn, Xukuumadda iyadaa looga fadhiyaa inay taalaalbo wanaagsan qaado, waayo iyadaa dalka maamusha, haddii ay wado xun qaadana waxba ma hagaagayaan.” ayuu Guddoomiyuhu

“Xukuumadda waxaaan leeyahay nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday, waana laga wanaagsan yahay in la yidhaa Xukuumadiibaa maanta wargeys hebel ku raran, maanta Xeer ilaalintiibay Telefishan ugu yeedhay, markaas Xeer ilaalintiibaaba noqonaysa Xukuumad ilaalin oo aan noqonayn Xeer ilaalin ummada iyo sharciga u dhex, anaguna uma arkayno inay Xeer ilaalintu tahay mid qaranka u dhex ah, waxaanu u arkaynaa mid Xukuumadda ilaalisa.”
Sidoo kalena Gudoomiyaha SOLJA  waxa uu ka hadlay dacwad uu Urrurkoodu ka furtay Maxkamada Sare, waxaanu yidhi isagoo arrintaas kahadlaya. “ Haddaanu SOLJA nahay Qareen ayaanu qabsanay waxaanu dacwad ka furanay Maxkamadda Dastuuriga ah, dacwadaas oo ah mid aanu ka dalbanayno in la dabaqo Xeerka Saxaafada ee dalka, dacwadaasi Maxkamadu way naga aqabashay, iyadoo ku mahadsan waanay socotaa, sidoo kalena dacwadaasi waxay ka dhan tahay Xeer ilaalinta Guud, waayo godob ayaanu ka tirsanayanaa, godobtaas oo ah mid ay Saxaafada dalkoo dhan ka gashay, haddii ay Xeer ilaalintii sidaasi ku sii socotana runtii wadanka burbur ayay galinaysaa, nin horena waxa laga hayey Rag Caddaalad waayey sidii cawsha kala yaac, dee cid caddaalad weyday oo ay xeer u ilaalinayaan ma jirayso, waxaanay noqonaysaa in haddii dadka ciqaab caynakaas oo kale ah laga wado qaado in
dadku suuqa dhuunta isku dhufto, dawlada waxaanu leenahay halkaas dalka ha gaadhsiinina.”  ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf.

Waxa kale oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Urrurka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Saleebaan Ibraahim Maxamed (Gurey), waxaanu Xukuumadda ku dhaliilay dacwada ay ka gudbisay Telefishanka Caalamiga ah ee HORN CABLE, taasoo uu ku tilmaamay mid qayrul sharci.

Somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories