Hargeysa (SLpost) – Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hay’adaha khayriga ah, ururrada iyo cid kasta oo ka shaqaysa arrimaha masaajidda, madarista Qur’aanka Kariimka ah iyo awqaafta ka dalbatay inay Wasaaradda u soo gudbiyaan qorshayaasha mashaariicda ay doonayaan inay fuliyaan, ka hor inta aan la bilaabin fulintooda.
Qoraal rasmi ah oo ay Wasaaraddu soo saartay Salaasada maanta, kuna socday hay’adaha ay khusayso, ayaa lagu sheegay in tallaabadani qayb ka tahay waajibaadka Wasaaradda ee la xidhiidha qorshaynta iyo ilaalinta masaajidda, madaarista Qur’aanka Kariimka ah iyo awqaafta, iyadoo la raacayo nidaamka iyo xeerarka dalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in hay’adaha khayriga ah iyo cid kasta oo qorshaynaysa dhismaha ama horumarinta masaajid, madaris Qur’aan ama mashruuc awqaafta la xidhiidha, looga baahan yahay inay Wasaaradda soo gaadhsiiyaan qorshaha mashruuca iyo xogta la xidhiidha.
Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa tilmaantay in ujeeddada nidaamkani tahay in la hubiyo in mashaariicda la qorsheynayo lagu saleeyo baahida dhabta ah ee bulshada, qorshaha guud ee dalka, khayrka iyo nidaamka qaranka u degsan.
Waxa kale oo Wasaaraddu sheegtay inay si gaar ah u adkaynayso in laga fogaado in masaajiddo ama madariso laga hirgeliyo goobo aan ku habboonayn ama aan waafaqsanayn baahida bulshada.
Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta ee Somaliland, waxa ay ugu baaqday hay’adaha khayriga ah iyo cid kasta oo arrimahaas ka shaqaysa inay Wasaaradda kala tashadaan qorshayaasha mashaariicda, isla markaana ay soo gudbiyaan xogta ku saabsan mashaariicda ka hor inta aan la bilaabin fulintooda.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ku boorrisay dhammaan hay’adaha khayriga ah iyo dadka ka shaqeeya arrimaha masaajidda, madarista Qur’aanka Kariimka ah iyo awqaafta inay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda, si loo xaqiijiyo isku-duwidda iyo qorsheyn habboon.
Wasaaraddu waxay sheegtay in nidaamkan uu muhiim u yahay sidii loo hubin lahaa in mashaariicda la xidhiidha masaajidda, madarista iyo awqaaftu ay noqdaan kuwo waafaqsan baahida bulshada, isla markaana loo fuliyo si nidaamsan oo waafaqsan waajibaadka Wasaaradda.
Wareegtada Ka soo baxay Wasaaradda waxaa ku saxeexan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Ayaanle Xasan Axmed.

Wararka Somalilandpost

