Washington (SLpost)- Xiisad ganacsi oo xooggan ayaa ka dhex qaraxday Maraykanka iyo Canada, kaddib markii wada-xaajoodyo maalmo socday oo ay labada dhinac ku doonayeen inay ku gaadhaan heshiis ganacsi ay burbureen.
Maamulka Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Sabtidii dhaqan-geliyey in 50% lagu kordhiyo canshuuraha laga qaado badeecooyin uga yimaadda dalka Canadian oo qiimahoodu gaadhayo ku dhowaad $20 bilyan. Tallaabadan ayaa si gaar ah u saamaynaysa qaybo kala duwan oo ka mid ah = badeecooyinka Canada u dhoofiso Maraykanka.
Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa jawaab adag ka bixiyey tallaabada Washington, isaga oo ku dhawaaqay in dalkiisu 8-da September 2026 bilaabi doono canshuuro jawaab-celin ah oo lagu soo rogo badeecooyinka uga taga Maraykanka.
Ra’iisul Wasaare Carney ayaa sheegay in Canada ay qaadi doonto tallaabo u dhiganta canshuuraha uu Maraykanku soo rogay, iyada oo xukuumaddiisu beegsan doonto badeecooyin ay ka mid yihiin birta, wax-soosaarka caanaha, qalabka elektaroonigga ah, qalabka guryaha, qalabka beeraha iyo waraaqaha.
Ra’iisul Wasaaraha Canada waxa uu sheegay in dowladdiisu isku dayday inay heshiis gaadho si loo ilaaliyo shaqaalaha iyo dhaqaalaha dalka, hase yeeshee ay ka biyo-diideen shuruudo uu ku tilmaamay inay caddaaladda ka fog yihiin oo Maraykanku hordhigay.
“Ma aqbali karno waxa ay na siinayaan, mana bixinayno waxa ay naga dalbanayaan,” ayuu Carney sheegay, isaga oo ku tilmaamay tallaabooyinka Maraykanka kuwo cadaadis dhaqaale ah dalkiisa lagu saarayo.
Burburka wada-xaajoodkan ayaa calaamad u ah marxaladda cusub ee sii xumaynaysa ee xidhiidhka ganacsiga labada dal, kuwaas oo muddo dheer ahaa waddamo oo deris ah, xulafo siyaasadeed iyo dalalka ugu horeeya xagga Dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka Dunida.
Xiisaddan ayaa sidoo kale shaki gelinaysa mustaqbalka heshiiska Ganacsi ee loo yaqaano USMCA, kaas oo isku xidha dhaqaalaha dalalka Maraykanka, Canada iyo Mexico. Khilaafka cusub ayaa imanaya xilli labada dhinac ay isku dayayeen inay dib u habayn ku sameeyaan xidhiidhkooda ganacsi.
Dagaalkan dhinaca canshuuraha ah ayaa hadda khatar ku ah ganacsiyada iyo shaqaalaha labada waddan, iyadoo la filayo in korodhka canshuuraha uu sare u qaado qiimaha badeecooyinka isla markaana culays dheeraad ah saaro shirkadaha ku tiirsan ganacsiga ka dhexeeya labada dal.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda Canada ayaa muujisay inaanay diyaar u ahayn inay cadaadiska Washington ku aqbasho heshiis ay u aragto mid waxyeello u geysanaya danaheeda dhaqaale, taas oo muujinaysa in dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Canada uu galay marxalad cusub oo si toos ah la isugu badheedhay.
Wararka Somalilandpost News

