Nairobi (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa shir ay isugu yimaadeen daneeyayaasha caalamika kaga hadlay qorshayaasha dowladdiisa ee dhinacyada nabadda, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, maalgashiga iyo xoojinta xidhiidhka caalamiga ah.
Shirka Oo Jimcihii ku qabsoomay magaalada Nairobi, waxa uu madaxweynuhu ka sheegay in nabadda iyo xasilloonidu yihiin saldhigga horumarka Somaliland, isagoo xusay in kumannaan maleesho-beeleed ah lagu daray Ciidanka Qaranka si nabadda loo xoojiyo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto xal u helidda khilaafaadka gudaha iyadoo loo marayo wada-hadal, isu-tanaasul iyo kaalinta dhaqanka.
Dhanka horumarinta, madaxweynuhu wuxuu sheegay in mudnaanta dowladdu ay tahay horumarinta xoolaha, beeraha, kalluumaysiga iyo tamarta la cusboonaysiin karo, balse ay lama huraan tahay in la xoojiyo kaabayaasha sida waddooyinka, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo isgaarsiinta.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay doonayso iskaashi ku salaysan dano-wadaag ah, halkii ay ka ahaan lahayd ku-tiirsanaan; isagoo yidhi, “Waxaan raadinaynaa iskaashi, ee ma aha ku-tiirsanaan. Waxaan raadinaynaa maalgashi ee ma aha samafal.”
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay arrimaha aqoonsiga caalamiga ah, isagoo sheegay in Somaliland ay sii wadi doonto dadaallada ay ku muujinayso horumarkeeda dhinacyada dimuqraadiyadda, nabadda iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.
Isagoo ka hadlayay xidhiidhka Soomaaliya, wuxuu sheegay in Somaliland ay weli diyaar u tahay wada-hadal, balse loo baahan yahay in la ixtiraamo heshiisyadii hore loo gaadhay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka, tamarta iyo biyaha, ay yihiin mudnaanta ugu weyn ee dowladdiisa, isagoo xusay dadaallada lagu dhimayo qiimaha korontada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka.
Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay beesha caalamka in Somaliland loola macaamilo sida saaxiib masuul ah oo ka qayb qaadan kara nabadda, amniga iyo horumarka gobolka.
Wararka Somalilandpost News

