Soomaaliya Oo Si Qarsoodi Ah Saddex Wefti Ugu Dirtay Israel iyo Xogta Laga Helay Tel Aviv

Qorshaha Hassan Sheikh Mohamud Ee Israel iyo Jawaabta Lama Filaan Ah Oo Ka Timid Tel Aviv

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeys (SLpost)- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr jeer wefti u dirtay dalka Israel, si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada in la abuuro xidhiidh diblomaasiyadeed oo cusub.

Weftiyadan oo la sheegay inay ka koobnaayeen wasiirro iyo diblumaasiyiin sare, ayaa la tilmaamay inay gaadheen magaalada Tel Aviv, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan dowladda Israel.

Wufuudda uu Xasan Sheekh Maxamuud diray oo xogta safarradooda Israel laga qariyey Dadweynaha, ayuu ku talo-galay inay Dawladda Israel ku qanciyaan inay xidhiidh la samaystaan Maamulkiisa Muqdisho, iyadoo shuruudaha ay wateen si xidhiidhkaasi u hirgelo ay ahayd in Israel ka laabato xidhiidhka iyo aqoonsiga Somaliland, taa beddelkeedana ay Soomaaliya diyaar la tahay waxyaabaha Israel doonayso, sida in Xeebaha Soomaaliya laga siiyo goobo ay ka samaystaan saldhigyo Ciidan.

Xogta Wufuudda Soomaaliya ee tagay Israel, waxa fashiliyey Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo waraysi bixiyey, waxaanu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dadweynaha uu xukumo ee Soomaaliya hore ugu sheegay inay ka soo horjeedaan Israel uu haddana si hoose Tel Aviv ugu diray Wefti ka kooban Wasiirro iyo diblumaasiyiin, si ay u abuuraan xidhiidh dhex mara Tel Aviv iyo Muqdisho.

Inkasta oo aanu Xildhibaanku sheegin, haddana ilo-wareedyo kale ayaa soo tebiyey in Dawladda Israel meesha ka saartay shuruudda Soomaaliya ee ah inay ka noqoto Aqoonsiga Somaliland, balse aanay diiddan in xidhiidh aan heerkiisa la shaacin uu dhex mari karo Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Maanta labada Gole ee Baarlamaanka u jeediyey khudbad-sanadeedka Dastuuriga ah, ayaa sheegay in Israel tahay dawlad la isku hallayn karo, taasi oo loo fahmo karo in Xukuumadda Somaliland ka war qabto xidhiidhka Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud la sameeyay Israel iyo inay ka dalbadeen xidhiidh shuruuddiisu tahay in Israel ka noqoto Aqoonsiga Somalilland.

Somalilandpost.news

Hargeysa/Somaliland

- Advertisement -

Latest News

Somaliland warns of heavy Rainfall and flood risks

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government has warned residents across the country to prepare for heavy rainfall, urging government institutions,...
- Advertisement -

More Articles Like This