Hargeys (SLpost)- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr jeer wefti u dirtay dalka Israel, si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada in la abuuro xidhiidh diblomaasiyadeed oo cusub.
Weftiyadan oo la sheegay inay ka koobnaayeen wasiirro iyo diblumaasiyiin sare, ayaa la tilmaamay inay gaadheen magaalada Tel Aviv, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan dowladda Israel.
Wufuudda uu Xasan Sheekh Maxamuud diray oo xogta safarradooda Israel laga qariyey Dadweynaha, ayuu ku talo-galay inay Dawladda Israel ku qanciyaan inay xidhiidh la samaystaan Maamulkiisa Muqdisho, iyadoo shuruudaha ay wateen si xidhiidhkaasi u hirgelo ay ahayd in Israel ka laabato xidhiidhka iyo aqoonsiga Somaliland, taa beddelkeedana ay Soomaaliya diyaar la tahay waxyaabaha Israel doonayso, sida in Xeebaha Soomaaliya laga siiyo goobo ay ka samaystaan saldhigyo Ciidan.
Xogta Wufuudda Soomaaliya ee tagay Israel, waxa fashiliyey Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo waraysi bixiyey, waxaanu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dadweynaha uu xukumo ee Soomaaliya hore ugu sheegay inay ka soo horjeedaan Israel uu haddana si hoose Tel Aviv ugu diray Wefti ka kooban Wasiirro iyo diblumaasiyiin, si ay u abuuraan xidhiidh dhex mara Tel Aviv iyo Muqdisho.
Inkasta oo aanu Xildhibaanku sheegin, haddana ilo-wareedyo kale ayaa soo tebiyey in Dawladda Israel meesha ka saartay shuruudda Soomaaliya ee ah inay ka noqoto Aqoonsiga Somaliland, balse aanay diiddan in xidhiidh aan heerkiisa la shaacin uu dhex mari karo Muqdisho.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Maanta labada Gole ee Baarlamaanka u jeediyey khudbad-sanadeedka Dastuuriga ah, ayaa sheegay in Israel tahay dawlad la isku hallayn karo, taasi oo loo fahmo karo in Xukuumadda Somaliland ka war qabto xidhiidhka Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud la sameeyay Israel iyo inay ka dalbadeen xidhiidh shuruuddiisu tahay in Israel ka noqoto Aqoonsiga Somalilland.
Somalilandpost.news
Hargeysa/Somaliland


