Pakistan oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadashay Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland

Published on

Addis Ababa (SLpost)- Diblumaasiyiin ka tirsan dawladda Pakistan ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay qadiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo muujiyey in Islamabad ay dib u eegis ku samaynayso mowqifkeeda ku aaddan arrintan.

Safiirkii dalka Pakistan u fadhiyay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, Ambassaor Imran Yawer oo hadlay, ayaa caddeeyay in qadiyadda madax-bannaanida Somaliland aanay abuurayn xuduud cusub isla-markaana ay ku saleysan tahay xuduudihii Afrika ee xilligii gumeysiga, sidaa darteed ay Somaliland xaq u leedahay in dawladaha Adduunku aqoonsadaan, maadaama oo qadiyaddeedu salka ku hayso xuduudaha Afrika laga sameeyay xilligii gumeysiga reer Yurub.

Ambassador Yawer, waxa kale oo uu sheegay in ay muhiim tahay in la fahmo in Somaliland ay ahayd dawlad madax-bannaan 1960-kii, taasina ay ka dhigan tahay in ay haysatay aqoonsi caalami ah, ka hor intii aanay la midoobin Soomaaliya, isagoo intaa sii raaciyey in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu yahay dhacdo taariikhi ah oo kor u qaaday doodaha iyo falanqaynta ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo xaqa ay u leedahay aqoonsi buuxa.

“Aqoonsiga Somaliland wuxuu ku saleysan yahay xuduudihii gumeysiga ee Afrika, sidaa awgeed waxay xaq u leedahay in la aqoonsado. Taariikhda Somaliland waxay ahayd dawlad madax-bannaan 1960kii, ka hor inta aanay ku biirin Soomaaliya,” Ayuu yidhi safiirkii hore ee Pakistan u joogay Itoobiya, waxaanu intaa ku daray, “Xilligan, Israa’iil ayaa dib u aqoonsatay Somaliland, waxaana aqoonsigaasi noqday isbeddel weyn oo diblomaasiyadeed, kaasoo horseedi kara in dalal kale ay ka fiirsadaan aqoonsi rasmi ah.”

Ambassador Yawer waxa kale oo uu tilmaamay dhaqdhaqaaqa aqoonsiga Somaliland ee ka socda daafaha dunida “Marka laga hadlayo aqoonsiga Somaliland, waxa la hubaa in dhaq-dhaqaaqa caalamiga ah ee ku saabsan aqoonsigeeda uu ku socdo jihada saxda ah. Sidoo kalena Aqoonsiga Israa’iil uu yahay isbeddel weyn oo caalami ah, waana tallaabo horumar leh oo horseedi karta in Somaliland ay hesho aqoonsi ballaadhan oo caalami ah.”

Hadalka Yawer, ayaa dibedda u soo saaray in siyaasadda dibedda ee dawladda Pakistan wax iska beddeleen isla-markaana xidhiidhka ka dhexeeya Maamulka Muqdisho ee Soomaaliya joogto ahaanayn, isbeddellada siyaasadeed ee gobolka ka socdaana ku riixayaan inay xidhiidh rasmiya la samaysato Somaliland oo dunidu ku baraarugtay ahmiyadda goobta ay kaga taallo gobolka Geeska Afrika.

Pakistan ayaa muddo dheer ahayd xulafada Soomaaliya ee qaaradda Aasiya, balse hadalladan cusub waxay muujinayaan in jihadaas laga yaabo inay is beddesho, iyadoo Somaliland ay sii kordhayso saamaynteeda siyaasadeed iyo tan istaraatiijiyadeed ee gobolka.

 

(C) Somalilandpost.news

 

Latest articles

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has held a meeting with Taiwan’s...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved a resolution calling for justice...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National Security, Abdalle Mohamed Arab, has...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following reports that security forces have...

More like this

“Awoodda Dowladdu Ma Noqon Karto Aalad Lagu Aamusiiyo Muwaadiniinta” – Waddani, Kulmiye iyo KAAH oo Digniin Culus U diray Xukuumadda Madaxweyne Cirro

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Waddani, Kulmiye iyo KAAH ayaa bayaan wadajir ah oo maanta soo...

The Somaliland Press Freedom Under Scrutiny: How President Irro’s Administration Is Eroding the Foundations of Democracy

When journalists become afraid to investigate, the public loses an important mechanism for holding...

Xasan Galleydh Oo Noqday Wariyihii 47-aad ee Xabsiga Loo Taxaabo Laba Sanno Gudahood

Hargeysa (SLpost)- Wariye Xasan Galleydh, oo ka mid ah suxufiyiinta madaxa-bannaan ee Somaliland, ayaa...