HomeSomali NewsCaalamkaWarbaahinta BBC Oo Dowadda UK Ka Diidday Inay "Argagixiso" ugu yeedho Ururka...

Warbaahinta BBC Oo Dowadda UK Ka Diidday Inay “Argagixiso” ugu yeedho Ururka Xamaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Warbaahinta BBC-da ayaa ku gacan-saydhay Dowladda UK oo ka dalbatay inay Ururka Hamaas ugu Yeedho Koox Argagixiso ah.

Afhayeen u hadlay warbaahinta BBC, ayaa sheegay inaanay u hoggaansami u doonin cadaadis Dowladda UK ku saarayso inay warbaahin ahaan kelmadda “Argagixiso” u adeegsadaan Ururka Xamaas.

“Muhiimad weyn ayaanu siinaa nooca luuqadda aanu isticmaalayno. Qofkasta oo na daawanaya ama na dhagaysanaya wuu maqlay ereyga ‘argagixiso’ marar badan oo la isticmaalay, taasna waxaanu u nisbaynaa dadka isticmaala, sida Dowladda UK oo kale, habkanina waa mid tobanaan sanno la soo isticmaalayey oo aanu kala simannahay warbaahinta kale.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka u hadlay BBC-da

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray oo yidhi, “BBC-du waa warbaahin tifaftir ahaan madax-bannaan oo shaqadeedu tahay inay si sax ah u gudbiso sida wax u dhacayaan, xukunkana dhegaystayaashaa iska leh”.

Wasiirka Dhaqanka ee UK, Lucy Frazer, ayaa agaasimaha Guud ee BBC u gudbiyey inay wax ka beddalaan hab-raacyadooda.

Warbaahinta BBC-da, ayaa ka kooban Television, Idaacad, Mareegaha wararka iyo Ciwaannada Baraha Bulshada.

Ururka Hamas oo gacanta ku haya maamulka Marinka Gaza, ayaa toddobaadkan weerar lama filaana ku qaaday gudaha Israel, waxaana weerarkaas ku geeriyooday boqolaal qof oo isugu jira Muwaadiniinta Israel iyo kuwo Ajaanib ah iyo dhawaaca kumanaan kale.

Israel oo ka jawaabaysa weerarkaas, ayaa maalintii afraad duqeymo ku wadda marinka Qaza, waxaana duqeymahaas ku geeriyooday 921 qof halka tirad dadka ku dhaawacmay lagu sheegay 4,500, kuwaas oo badankoodu yihiin Dad shacab ah oo haween iyo carruur isugu jira.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories