Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa ku dhawaaqay magacaabista Michael Lotem oo noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee Tel Aviv u qaabilsan Somaliland.
Tallaabadan oo muujinaysa Sida uu u sii xoogaysanayo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, ayaa lagu shaaciyey wareegto uu ku saxeexan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel, Gideon Sa’ar, taas oo sidoo kale lagu magacaabay dublomaasiyiin kale.
Michael Lotem ayaa leh khibrad diblomaasiyadeed oo ballaadhan isaga oo Hore safiir uga soo noqday dalalka Kenya, Azerbaijan iyo Kazakhstan.
Dhanka kale, Yahel Vilan ayaa loo magacaabay safiirka Israa’iil u fadhiya Singapore iyo East Timor, isagoo hore uga soo shaqeeyay Kenya iyo Serbia.
Magacaabistan ayaa daba-socota kaddib markii Madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa bishii February ee sannadkan Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ee Israaiil u magacaabay Danjire Maxamed Xaaji.
Dowladda Israa’iil ayaa si rasmi ugu dhawaaqay Aqoonsiga Somaliland bishii December 2025-kii, iyadoo Israel noqotay dalkii ugu horeeyey ee Aqoonsiga Somaliland tan iyo markii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991-kii.
Somalilandpost.news
Hargeysa/Somaliland


