Hargeysa (SLpost) – Dawladda Soomaaliya, ayaa si furan u caddaysay in Dawlado waaweyn oo ka mid ah dunidu ay ka shaqeeyeen in Israel ay aqoonsato madax-banaanida Somaliland.
Dawladda Soomaaliya, waxay sheegtay inay jiraan dawlado waaweyn oo hore uga shaqeeyay Aqoonsiga Israel ee Somaliland ay xilligana sii wadaan olole ballaadhan oo ay ugu jiraan in dawlado kale ay raacaan jidka Israel oo ay aqoonsadaan Somaliland, iyagoo adeegsanaya awooddooda diblumaasiyadeed oo ay barbar wadaan awood dhaqaale oo ay ku bixinayaan in arrintani hirgasho.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa hadal uu ka jeediyey goob fagaare ah ku sheegay in dawladihii ka shaqeeyay aqoonsiga Israel ay weli sii wadaan dedaalkooda, iyagoo tallaabooyinka ay qaadayaan ay ka mid tahay inay Xildhibaannada Baarlamaannada dalalka dunidu u hagar-baxaan sidii dalalkoodu u aqoonsan lahaayeen Somaliland.
Hadalka Raysal-wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku soo beegmaya xilli uu Maanta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka hadlay safaaradda Somaliland ka furayso Magaalada Quddus, taasi oo uu xusay inay aanay hirgeli doonin.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay Masaajid ku yaalla Magaalada Muqdisho oo uu dadweynaha kula tukaday Salaaddii Ciidal Adxaa, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ayna aqbali doonin wax uu ku tilmaamay “mashruuc lagu doonayo in Israa’iil lagu keeno Somaliland oo uu aaminsan yahay inay ka mid tahay dhulka uu xukumo ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dadka Somaliland ku nool lagu yaqaano inay yihiin “Ehelu Qur’aan” isla-markaana calankooda ay ku xardhan tahay kalmadda Tawxiidku, iyadoo sidaas ahna ay wax laga xumaado tahay In calankii Tawxiidku ku qornaa lagu soo dhaweeyo Israel oo uu ku eedeeyay inay dhul Muslimiin leeyihiin xoog ku haysato, imikana doonayaan inay dad kale oo Muslimiin ah dhibaateeyaan oo ay barakiciyaan si Quddus loogu xalaaleeyo Israel
Laakiin, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaguna Maanta hadal u jeediyey dadweynaha Caasimadda Hargeysa oo uu Salaaddii Ciidda la tukaday, ayaa Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay inay ka mid yihiin dawladaha cadaawadda u muujiyey Somaliland, ka dib markii Israel aqoonsiga siisay Somaliland, isagoo ugu baaqay inay faro-gelinta ka daayaan Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro oo si toos ah ula hadlayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tillmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh ogaado in Somaliland tagtay oo ay noqotay dawlad la aqoonsan yahay.
Madaxweyne Cirro, wuxuu dadweynaha Somaliland ugu baaqay inay u midoobaan difaaca dalkooda iyo ilaalinta nabadgalyadiisa.
Geesta kale, Cabdiqani Food-cadde oo ka mid ah aqoonyahannada Naaqisha siyaasadda dunida, ayaa sheegay in hadalka Maanta ee Xasan Sheekh uu markhaati u yahay in Somaliland ka adkaatay oo uu is-dhiibay.
Ugu dambayn, Hadallada ay Warbaahinta isku mariyeen Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa imanaya xilli Somaliland dhawaan sheegtay inay safaaraddeeda Israel ka furayso Magaalada Quddus ee Israel xoogga ku haysato.
Quddus ayaa waxa ku yaalla Masjidul Al-aqsa oo ah Masaajidka saddexaad ee ugu barakada badan dunida Muslimka., waana xuddunta muranka taagan. Marka laga yimaaddo khilaafka bariga dhexe ee Israeel iyo Falastiin.
Somalilandpost.news

