Buug Laga Qoray Dowladnimada Somaliland iyo Saamaynta 3-da Nidaam ee Dimuqraadiyadda, Qabiilka iyo Islaamka

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Buug cilmiyeed si qoto dheer u falanqaynaya saamaynta ay dawladnimada Somaliland ku yeesheen saddex nidaam oo isku dhafan — Dimuqraadiyadda, Qabiilka iyo Islaamka — ayaa maanta lagu gorfeeyay magaalada Nairobi.

Amb Barawaani 26
Amb Barawaani, qoraaga Buugga

Buuggan waxa qoray Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Kenya, Amb. Dr. Maxamed Maxamuud Axmed Barawaani, oo ah aqoonyahan haysta shahaadada PhD isla markaana muddo dheer ku soo jiray arrimaha diblomaasiyadda iyo daraasaadka siyaasadda.

Madasha lagu falanqeeyay buugga ayaa lagu soo bandhigay aragtiyo la xidhiidha sida nidaamyada dimuqraadiyadda, qaab-dhismeedka qabiilka iyo doorka Islaamku ugu milmeen hanaanka dawladnimo ee Somaliland, iyo saamaynta ay ku yeesheen geeddi-socodka siyaasadeed iyo bulshada.

Sidoo kale, waxa la sheegay in dhawaan buuggan si rasmi ah loogu soo bandhigi doono magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ka dhici doonto munaasibad ay ka qayb geli doonaan aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada

- Advertisement -

Latest News

Peter Harris: Somaliland Is the Strategic Ally Trump Needs Now

Peter Harris, writing in the Washington Examiner, argues that Somaliland could be a strategic ally for President Donald Trump as debate over US recognition continues.
- Advertisement -

More Articles Like This