HomeSomali NewsMaraykanka oo saldhigyo qarsoodi ah ka samaysanaya dalalka Ethiopia iyo Seychelles oo...

Maraykanka oo saldhigyo qarsoodi ah ka samaysanaya dalalka Ethiopia iyo Seychelles oo ay duulayaan diyaaradaha aan cidi wadin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington, (SLpost)- Maamulka Maraykanka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Obama ayaa qorshaynayo hirgelinta saldhigyo xarumo qarsoodi ah oo ay ka hawl-galaan diyaaradaha aan duuliyeyeesha lahayn, taas qayb ka ah hawl-gallada lagula dagaalamayo argagixisada Geeska Afrika iyo Gacanka Carabta, si loola nusqaamiyo kobaca kooxaha xidhiidhka la leh Al-qaacida ee ka hawlgala Soomaliya iyo Yemen.

Shabakaddan Somalilandpost.net oo soo xiganaysa Warbixin maanta lagu daabacay wargeyska Washington post, Sarkaal ka tirsan ciidamada Maraykanka oo aan magaciisa la sheegin isla markaana warbixinta hoos ugu gudbiyey qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka, ayaa sheegay in mid ka mid ah dhismayaasha saldhigyadan hirgelintiisa laga wado dalka Itoobiya oo ay Maraykanka xulafo ka yihiin la-dagaalanka kooxda Al-shabab ee Soomaaliya ka hawl-gasha isla markaana gacanta ku hayso qaybo badan oo dalkaas ka tirsan. Saldhig kale ayaa isna ku yaala  dalka badweynta Hindiya ku yaala ee Seychelles halkaas oo bilihii ugu dambeeyey ay hawl-gallo ka wadeen nooca diyaaradaha wax ugaadhsada ee aanay cidi wadin, ka dib markii tijaabooyin la sameeyo lagu ogaaday in halkaas lagala socon karo dhaq-dhaqaaqyada argagixiso ee ka jira Soomaaliya.

Sidoo kale, Ciidamada Maraykanku ee saldhiggoodu yahay dalka Jabuuti, waxa ay hawl-gallada diyaarada is-wada u direen dalalka Somaliya iyo Yemen. Waxa kale oo intaas dheer, in sirdoonka Maraykanka ee CIA ay wadaan qorshe lagu dhisayo saldhigyo diyaaradeed oo qarsoodi ah kuwaas laga hawl-galinayo Gacanka Carbeed in loola socdo dhaq-dhaqaaqyada ka socda Yemen.

Is-ballaadhita hawl-galladan aan shaaca laga qaadin ee diyaaradaha iskood isu wada waxay ayaa ka tarjumaya digniinaha soo kordhaya ee saraakiisha Maraykanku u arkaan in ururrada la shaqeeya Al-qaacida ee Soomaaliya iyo Yemen ay halis ku yihiin ammaankooda, in kasta oo hoggaankii Al-qacida ee saldhiggoodu yahay Pakistan la wiiqay.

Dawladda Maraykanka ayaa hore loogu yaqaanay inay hawl-gallada weerarrada diyaaradaha is-wada ka fulisay dalalka Afghanistan, Iraq, Libya, Pakistan, Somalia and Yemen. In kasta oo wada-xaajoodka soo dedejiyey aasaaska saldhigga diyaaradaha ee Seychelles keentay si loo ugaadhsado xubnaha ururka Al-shabab ee ka hawl-gala Somaliya.

Dalka Seychelles ee loo Maraykanku u qoondaystay la dagaalanka kooxda Al-shabab isla markaana dalk Soomaaliya u jira 800 mayl, waxa ku nool 85,000 qof, waxa uu Maraykanku saldhigga Milatari ka samaystay sannadkii 2009 wakhtigaas oo uu ka bilaabay hawl-gallada diyaaradaha is-wada ee loo yaqaano MQ-9 kuwaas oo markii hore loo qorsheeyay inay la socdaan weerarrada ay budhcad badeeddu ka fuliyo biyaha badweynta Hindiya.

Warbixinno sir ah loo lagu baahiyey shabakadda WikiLeaks oo Somalilandpost.net heshay ayaa sheegaya in Maraykanku ka codsaday masuuliyiinta Seychelles inay qarsoodi ka dhigaan hawl-gallada argagixisadda lagula dagaalamayo ee diyaaradaha is-wada oo awood u leh inay xambaaraan gantaalada iyo bambooyinka Satlaytka laga hago.

Somalilandpost.news

Editor@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories