Hargeysa (SLpost)- Warar si weyn loogu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta caalamiga ah qaarkood ayaa sheegay in Somaliland ay Israel ka heshay nidaamka difaaca cirka ee Iron Dome, kadib booqasho ay Hargeisa ku yimaaddeen saraakiil iyo dublomaasiyiin ka socda Israa’iil dhawaan.
Hase yeeshee, wararka ilaa hadda la helayo ma muujinayaan in Somaliland si rasmi ah loogu wareejiyey ama loo geeyey nidaamka buuxa ee Iron Dome oo ah mid ka mid ah hubka difaaca cirka ee ugu casrisan dunida.
Warbixin ay daabacday warbaahinta The Jewish Chronicle ayaa sheegtay in wefti ka socda Israel ay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ku wareejiyeen “qayb ka mid ah” ama qalab astaan ahaan uga tirsan nidaamka Iron Dome intii lagu guda jiray kulan labada dhinac ku dhexmaray Madaxtooyada Somaliland.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Israa’iil ay Somaliland u aragto saaxiib istaraatiiji ah oo muhiim ka ah Geeska Afrika iyo marin-biyoodka Badda Cas.
Lama shaacin nooca qalabkaasi ahaa, mana jirto illaa hadda wax caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in Somaliland heshay nidaamkii difaaca cirka ee Iron Dome oo dhamaystiran, gantaalihiisa, raadaarradiisa iyo xarumihii hagista ee uu ku shaqaynayey.
Iron Dome ayaa ah nidaam difaac oo aad u horumarsan oo Israel u isticmaasho ka hortagga gantaalaha iyo weerarrada cirka, waxaana lagu tiriyaa nidaamyada ugu qaalisan uguna adag dhinaca farsamada milatariga.
Khubarada amniga iyo arrimaha milatariga ayaa aaminsan in wareejinta nidaam buuxa oo Iron Dome ah ay u baahan tahay heshiisyo amni oo heer sare ah, tababaro badan, kharash aad u weyn iyo oggolaansho siyaasadeed.
Haseyeeshee, warbixinta uu daabacay The Jewish Chronicle, ayaa lagu sheegay in khubaro iyo saraakiil Somaliland ka socda ay muddooyinkii u dambeeyey tababaro kala duwan ku qaateen Israel, kuwaas oo la xidhiidha dhinacyada sirdoonka, biyaha, amniga iyo tiknoolajiyadda.
Dhanka kale, xidhiidhka Somaliland iyo Israel ayaa si weyn u kobcaya tan iyo markii Israel noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii Diseembar 2025, iyadoo labada dhinac ay magacaabeen safiirro u metala labada waddan. Somaliland iyo Israa’iil ayaa iska kaashanaya dhinacyada amniga, ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo diblumaasiyadda.
Somalilandpost.news
Hargeysa/Somaliland


