HomeSomali NewsSomaliaSoomaaliya oo Bilowday Dagaal Ka Dhan Ah Ganacsatada Somaliland

Soomaaliya oo Bilowday Dagaal Ka Dhan Ah Ganacsatada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Soomaaliya oo maalmihii u dambeeyey ku hawlanayd olole ka dhan ah heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia, ayaa bilowday inay bartilmaameedsato shirkadaha ganacsi laga leeyahay Somaliland.

Shirkadaha oo isugu jira Kuwo Laga leeyahay Somaliland iyo kuwa kale ee Soomaalida, ayaa lagu wargeliyey inay fuliyaan go’aan ka soo baxay kulan Muqdisho ku dhexmaray siyaasiyiin iyo ganacsato u dhashay Soomaaliya, kuwaas oo ku heshiiyey in la bartilmaameedsado shirkadaha ganacsi ee laga leeyahay Somaliland.

Guddoomiyaha Shirkadda Worldremit Ismail Axmed, ayaa ka mid ah ganacsiyada laga leeyahay Somaliland ee sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday, waxaanu ujeeddaddiisu ku tilmaamay sidii Ganacsatada Somaliland loogu qasbi lahaa ka-qayb-qaadashada Ololaha Soomaaliya ugu jirto Fashilinta heshiiska Somaliland iyo Ethiopia.

Ganacsade Ismail Ahmed, ayaa qoraal uu arrintan kaga hadlay waxa uu ku sheegay, “Sida aad ku aragteen baraha bulshada, waxa jira kulamo ay yeesheen siyaasiyiin waaweyn iyo ganacsato ka soo jeedda Soomaaliya kuwaas oo lagu go’aamiyay in la ballaadhiyo ololoha ka dhanka ah Somaliland iyo ganacsiga ay leeyihiin dadka reer Somaliland. Tan ayaa ujeeddadeedu tahay in lagu handado ganacsatada Somaliland si ay uga qaybqaataan faafinta wararka been abuurka ah ee la doonayo dadka reer Somaliland in la isaga horkeeno. Waxa ku fillaan waayey dhallinyaradii lacagaha la siinayey ee lagu shaqeysanayey.”sidaas ayuu yidhi Ismail Ahmed.

Guddoomiyaha iyo aasaasaha Worldremit, waxa uu intaas ku daray, “Shirkadaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah WorldRemit, taas oo ay kooxdani ku baaqeen in la joojiyo isticmaalkeeda gebi-ahaanba. Tan iyo shalay, boggayga Facebook waxaa weerar ku hayay koox abaabulan oo hawshan aad mooddo in loo soo kiraystay. Waxaan doonayaa in la ogaado in lacagaha shirkaddayadu u dirto Soomaaliya ay yihiin wax ka yar 0.3%. Xitaa haddii dhammaan ganacsigeygu uu ku tiirsanaan lahaa Soomaaliya, marnaba maan beddeleen aragtiyadeyda iyo waxa aan u arko in ay yihiin danaha ummadda reer Somaliland,” ayuu yidhi Ismail Ahmed, waxaanu intaas ku daray, “Waa wax laga xumaado in siyaasiyiin iyo ganacsato ku andacoonaya in ay doonayaan midnimo Soomaaliyeed in ay ku kacaan falalka caynkan ah. Ganacsiga Soomaalidu waxa uu jiray waqtiyadii ugu adkaa ee ay socdeen dagaalladu. Waxan maanta socdaa se waa arrin ugub ah oo reebi doonta cawaaqib xumo”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories