HomeSomali NewsSomaliaDublomaasi Maraykanka ah Oo Su'aal geliyey Kalsoonida Dowladnimada Soomaaliya

Dublomaasi Maraykanka ah Oo Su’aal geliyey Kalsoonida Dowladnimada Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyey dalalka Ethiopia iyo Guinea, Tibor Peter Nagy, ayaa su’aal geliyey sawirka ay Soomaaliya maanta lahaan lahayd haddii aanay ku tiirsanayn mucaawimada beesha Caalamka.

Dublomaasigan oo sidoo kale soo noqday kaaliyaha xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika, ayaa qoraal kooban oo uu maanta ku baahiyey bartiisa X, waxa uu wax iska weydiiyey qaab-dhismeedka Somalia maanta yeelan lahayd haddii aanay haysan taageerada beesha caalamka oo taas beddelkeeda ay iskeed isugu filnaan lahayd sida ay Somaliland uga maarantay caawimada beesha caalamka

“Waxaan la yaabanahay qaabka ay maanta Somaliya ahaan lahayd haddii aanay ka faa’iidaysan ballaayiinka dollar ee beesha caalamku siinaysay tobanaanka sanno taas badalkeedana ay iyagu iskood u samaysan lahaayeen sidii ay Somaliland isugu filnaatay,” ayuu Tibor Nagy qoraalkiisa ku sheegay.

“Somaliland iyadaa iskeed isugu filnaatay, halkay Somaliya ku tiirsan tahay gacan-qabasho”, sidaas ayuu yidhi Ambassador Tibor Nagy.

Isbar-bardhigga Dublomaasigani ku sameeyey sida ay u kala fogyihiin dhismaha tayada dowladnimo ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya xilli si weyn caalamka looga hadal-hayo heshiiska iskaashi ee dhawaan ay kala saxeexdeen dowladaha Somaliland iyo Ethiopia.

Somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories