HomeDowladda Ethiopia oo Difaacday heshiiska Somaliland, Luuqad Adagna Ugu Jawaabtay Somalia iyo...

Dowladda Ethiopia oo Difaacday heshiiska Somaliland, Luuqad Adagna Ugu Jawaabtay Somalia iyo Masar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Ethiopia, ayaa si adag u difaacday heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ay ku tilmaantay heshiis dhexmaray laba waddan oo wadaaga xidhiidh qoto-dheer.

Redwan Hussein oo ah La-taliyaha Amiga Qaranka ee Raysal-wasaaraha Ethiopia, ayaa sheegay in heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Ethiopia ku salaysan yahay wax-wada-qabsi u dhexeeya laba waddan oo xidhiidh qoto-dheer leh.

La-taliyaha Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa X, waxa uu jawaabo kaga bixiyey hadallo ka soo yeedhay Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, isagoo si gaar ah u dul-istaagay hadalka madaxweynaha Masar taageerada ugu muujiyey Soomaaliya oo uu ku tilmaamay daan-daansi dabka ku sii hurinaya xiisadda Gobolka.
“Waxa naga dhexeeya xidhiidh qotodheer, waxaanu nahay laba isku tolan oo aan kala maarmin. Heshiiska is-afgarad ee aanu Somaliland wada-galnay waa heshiis iskaashi iyo wax-wada-qabsi oo Ethiopia u sahlaya inay hesho marin badeed oo ganacsi. Maaha mid aanu dhul ku goosanayno ama ku xad-gudbaya madax-bannaanida waddan kale,” sidaas ayuu yidhi Redwan Hussien oo intaas ku daray in Dowladda Masar farogelinta arrintan uga faa’idaysaynayso cadaawad ay Ethiopia u qabto.

“Iyadoo xaqiiqadu sidaas tahay, haddana waxa jira waddamo aan Soomaaliya wax badan ka taageerin xilliyadii ay baahida weyn u qabtay oo imika isku dayaya inay isu muujiyaan inay yihiin saaxiibo dhab ah. Laakiin, waxaa cad in waxa ku kalifayaa aanay ahayn lexe-jeclo ay u hayaan Soomaaliya balse ay tahay cadaawad ay u qabaan Itoobiya,” ayuu yidhi Redwan Hussein.

Wuxuu si adag u dedaafeeyey hadallo ka soo yeedhay Masar iyo Waddamo kale oo ka soo horjeestay heshiiska Somaliland iyo Ethiopia, waxaanu yidhi, “Ujeeddadoodu maaha ilaalinta nabadda iyo amniga Geeska Afrika. Taas way ka fogtahay, waxa ay rabaan in ay abuuraan fidno iyo qas. Indho-adkaanta aanu arkeynaa, waxay sii hurinaysaa xiisadda jirta, waxaanay u adeegaysaa danaha kuwa fursadda ku raadinaya farogelinta ay wadaan.”

Waxa uu sheegtay in siyaasadda Dowladda Ethiopia tahay iskaashiga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha dalalka deriska ah, waxaanu yidhi, “Itoobiya waxa ay jeclaan lahayd inay deriskeeda la wadaagto iskaashi horseedi kara horumarinta is-dhexgalka gobolka oo lagu tanaado. Itoobiya waxay aaminsan tahay in wada-hadalku ka wanaagsan yahay hadallada, qoraalada iyo odhaahyada aan loo baahnayn ee kicinaya xiisadda.”

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Masar oo shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Qaahira, ayaa ka soo horjeestay heshiiska oo ay ku tilmaameen tallaabo nabadgelyo-darro u horseedaysa Gobolka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories