Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Ciidanka Qaranka ku bogaadiyey Xuska Maalintii la Aasaasay oo Berri ku beegan

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa Ciidanka Qaranka Somaliland ku hambalyeeyey xuska maalinta la aasaasay Ciidanka Qaranka oo ku beegan Maalinta Berri ah oo bishu tahay 02 February, 2014.

Sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghaya Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, waxa uu guddoomiyuhu ku bogaadiyey Ciidamada Qaranka sida waddaniyadda iyo naf-hurnimada leh ee ay ugu heellan yihiin difaacista Dalka.

War-saxaafadeedkaas, ayaa u qornaa sidan: “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, ka Golaha Dhexe, ka Guddida Fulinta iyo ka dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa munaasibada xuska maalinta aasaaska ciidanka Qaranka ee 02/02/2014 darteed, hoggaanka Ciidanka Qaranka, dhammaan geesiyaasha ciidammada qaranka, ooryahooda, carruurtooda iyo qoysaskoodaba, isagoo ALLE uga rajaynaya inay sannadkan kiisa kale ku gaadhaan bashbash, barwaaqo iyo caafimaad.

Guddoomiyuhu wuxuu ku boogaadinayaa halyeeyada ciidammada Qaran sida waddaniyada, nafhurka iyo adkaysiga leh ee ay heeganka ugu yihiin ilaalinta qaranimada, xuduudaha iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Gabogabadii, Guddoomiye Biixi, wuxuu u rajaynayaa ciidammada Qaranka iyo guud ahaanba shacabka Somliland guul iyo gobanimo waarta.”

SOMALILANDPOST.NEWS

- Advertisement -

Latest News

Somaliland-Somalia rivalry over fighters raises tensions around Erigavo

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland government and Somalia’s federal administration appear to be competing for influence over armed fighters in...
- Advertisement -

More Articles Like This