HomeSomali NewsEthiopiaSomaliland Oo Sii Daysay 11 Maxbuus oo Dagaalkii Laascaanood lagu Qabtay iyo...

Somaliland Oo Sii Daysay 11 Maxbuus oo Dagaalkii Laascaanood lagu Qabtay iyo Guddiga Nabadda ee Jigjiga Gaadhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga heer Qaran ee Madaxweynaha Somaliland u xil-saaray nabadeynta Gobollada Bariga, ayaa maanta socdaal shaqo ugu baxay magaalada Jigjiga ee xarunta DDS.

Garaad Kulmiye Garaad Wiil-walaal iyo madax-dhaqameed kale ayaa weftiga kaga hor yimi magaalo-xuduudeedka Wajaale dhinaca Ethiopia.

Socdaalka weftiga ee Jigjiga ayaa qayb ka ah Maxaabiis tiradooda lagu sheegay 11 Qof oo lagu soo Qabtay dagaaladii Laascaanood, kuwaas oo xukuumaddu sii daysay kuna wareejinayso Guddiga is-xil-qaantay ee uu hoggaaminayo Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal.

Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku yimi magaalada Hargeysa bishii January ee sannadkan, ayaa xilligaas ku dhawaaqay inay ka shaqaynayo sidii uu nabad uga dhex-dhalin lahaa Beelaha Bariga Sool iyo Xukuumadda Somaliland isla markaana loo sii deyn lahaa maxaabiista labada.

Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal ayaa sidan oo kale bishii December 2024-kii socdaal qayb ka ah dedaalladiisa nabaddeynta ku tagay magaalada Laascaanood, halkaas oo kula kulmay madax-dhaqameedka iyo bulshada deegaankaas.

Guddiga Nabadda ee Somaliland oo ay xubno ka yihiin Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde, Xasan Maxamed Embassy, Shucayb Maxamed Muuse, Jaamac Axmed Maxamed, Maxamed Jaamac Abgaal, Maxamed Iid Dhimbiil iyo Cali Siciid Raygal, waxa dhinaca Ethiopia ku qaabilay Guddiga Nabadda ee Garaad Kulmiye Garaad Wiilwaal oo ay xubno ka yihiin, Sheekh Muxiyadiin Sheekh Maxamed Muuse, Suldaan Foosi Maxamed Cali, Sudaan Cabdinaasir Maxamed Aadam, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cali Nuur iyo Suldaan Sheekh Aadan Ismaaciil Muxumed.

Maxaabiista Somaliland maanta sii daysay, ayaa sida xogaha laga helay tibaaxayaan dhalasho ahaan ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland oo qayb laxaad leh ku lahaa dagaalkii Kooxaha Huwantu kula galeen Ciidanka Qaranka Somaliland magaalada Laascaanood.

Laba Toddobaad ka hor waxa magaalada Laasaanood laga sii daayey 25 Maxbuus oo lagu sheegay in laga qabtay dhinaca dowladda Somaliland, kuwaas oo loo qaaday magaalada Muqdisho kaddib socdaalkii Ra’iisal-wasaaraha Somalia ku yimi Laascaanood 12-kii bishan April.

Maxaabiista oo isugu jira Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo Dad shacab ah oo laga qabtay deegaannada ku teedsan bariga Somaliland, ayaa laba toddobaad kaddib soo gaadhay magaalada Hargeysa 26-kii Bishan April.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories