HomeSomali NewsSomaliaGacan-yarihii Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Xil Looga Magacaabay Xukuumadda Madaxweyne Cirro

Gacan-yarihii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Xil Looga Magacaabay Xukuumadda Madaxweyne Cirro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa uu ku ololeeyay Isbeddel, waxayna shacabka Somaliland fiilayeen inuu u horseedi doono horumar iyo Aqoonsi Caalamiya oo ay dunida kaga mid noqdaan, balse isbeddelkaas ayaa haatan u muuqdaa mid kursiga uun lagu fuulayay oo aanay waxba ka jirin.

Xidhiidh Noocee ah ayaa ka Dhexeeya Madaxtooyada Somaliland iyo Villa Somalia ?

Tan iyo intii uu talada dalka la wareegay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waxa maalinba maalinta ka dambaysa iska soo daba dhacaaya oo dalka dib ugu soo laabanaya dadkii la dagaalami jiray Qarannimada iyo Madax-banaanida Somaliland, kuwaas oo qaarkood si badheedha oo aan gabasho lahayn uga qayb qaatay duulaankii ay kooxaha huwanta ahi ku soo qaaadeen Bariga Sool, gaar ahaan Laascaanood, taasi oo wakhtigan gabbaad u noqotay Kooxo Nabad-diid ah oo reer Somaliland ah Iyo Argagixiso ku soo dhex dhuumatay.

Shacabka Somaliland ayaa waxa ay rejo weyn ka qabeen hadalkii iyo gogoshii nabadda bilaa shuruuda ah ee Madaxweyne Cirro ku dhawaaqay iyo Ergooyinkii dhaqanka Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya ee u kala dab qaadayey Somaliland iyo Kooxda la baxday SSC-Khaatumo ee Fadhigoodu yahay Magaalada Laascaanood, inkasta oo dhaqdhaqaaqyadaasi Biyo Col-dhaanshay uu ka dhigay Safarkii dhawaan uu ku yimid Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, kaasi oo dhawr maalmood ku Sugnaa Gobolka Sool, isla markaana soo daayay qayb ka mid ah Maxaabiistii Somaliland ee ku Xidhnaa Laascaanood, inkasta oo Xukuumadda Somaliland socdaalkaasi dhaleecaysay, haddana Wararka qaar ay sheegayeen in ay hore uga wada hadleen hawsha Maxaabiistan Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxa kale oo xusid mudan in maxaabiistaasi shalay laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa, iyaga oo Calankii Soomaaliya xidhan, inkasta oo aan wax sawirro ah laga qaadin maxaabiistaasi markii ay Hargeysa soo gaadheen, sababtuna ay ahayd in shaqaalihii ka hawlgala Cigaal Interanational Airport, dhamaantood lagu amray in aanay la galin wax Telefoonno ah, si aan sawirro looga qaadin maxaabiistan ku lebisan calanka buluuga ah.

Dhanka kale, 20-04-2025 waxa aynu bulshada la wadaagnay in Xukuumadda Cirro xilal u magacabayso qaar ka mid ah shaqaalihii Villa Somalia, gaar ahaan Xafiiska Raysal-wasaaraha iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Soomaaliya kuwaasi oo ay ehel dhaw yihiin Madaxweyne Cirro, kuwaasi oo aanu ka xusnay Khadar Cabdi Xasan (Khadar Gurayte) oo siddeedii sano ee u dambeeyay ka tirsanaa shaqaalaha Rasmiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Hore, waxaynu u nidhi ayaa hore waxa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigalinta JSL, Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ma ku dhiiran doonaa inuu madax-qaybeed u magacaabo hawl-wadeenkan Wali Xamar ka hawlgala?

Su`aashaasi waxa ka jawaabay Wasiir Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo sidoo kale ah Afhayeenka Xukuumadda Madaxweyne Cirro, dedaalo isdabajoog ah uu hor kacayo Xildhibaan Xasan-Ogaal iyo culays badan oo Wasiir Ayaanle dhanka Madaxtooyada kaga yimid, kadib waxa uu maanta oo ay bishu tahay 27-04-2025 Agaasimaha waaxda Dawan oo ah Wargeyska Dawladda Somaliland u magabaacay Khadar Cabdi Xasan (Khadar Gurayte).

Hadaba waxa isweydiintu tahay Somaliland, ma dal madaxbanaanbaa mise Waa Maamul Goboleed ka Tirsan Dowladda Fedaraalka Soomaaliya?

Ma Waxqabadkii 100 maalmood ee Xukuumaddu soo bandhigtay ayay ka mid ahayd in xilal loo magacaabo dad Xamar ka hawlgala?

Ma Erayadii iyo Eedihii Xisbiga Kulmiye u soo Jeedin jiray Madaxda Xisbiga Waddani ayaa Rumoobay? Mise isbeddelkii Xisiga Waddani ku ololeeyay ee uu Doorashada ku galay ayaa ahaa Isbeddel Soomaaliyeed ? Mise arrinku waa “Qawda maqashii, waxna ha u Qaban..”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories