HomeSomali NewsSomalilandMadaxweyne Cirro oo magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada Baanka Dhexe iyo Hay'adda Shaqaalaha...

Madaxweyne Cirro oo magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennada Baanka Dhexe iyo Hay’adda Shaqaalaha Dowladda

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16-ka Janaayo 2025 soo saaray wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-035/012025, taas oo uu ku magacaabay masuuliyiin cusub oo ka tirsan Baanka Dhexe, Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo hay’ado kale.

Wareegtada Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay masuuliyiin hoggaamin doona Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo xilalka loo kala magacaabay sidan:

  • Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed — Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.
  • Xamse Cabdiraxmaan Kheyre Coofle — Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Dhexe.
  • Aasiin Jaamac Axmed Shide (Calase) — Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa magacaabay masuuliyiinta cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxaana xilalka loo kala magacaabay:

  • Cabdicasiis Xirsi Warsame Geelle — Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
  • Xasan Xuseen Cabdi (Xaydar) — Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
  • Cabdirashiid Maxamed Warsame — Xubin ka tirsan Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Waxa kale oo xubno ka tirsan Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda loo magacaabay Maxamed Axmed Xasan Jabarti Saadle, Sakariye Cabdiraxmaan Ismaaciil Carraale, Ibraahim Ducaale Boos iyo Mustafe Maxamed Cawil Diiriye.

Magacaabistan ayaa qayb ka noqonaysa isbeddellada maamulka iyo dib-u-habaynta hay’adaha dawladda ee uu Madaxweynaha Somaliland ku sameynayo muddada uu xilka hayo.

Wareegtada ayaa dhaqan-galaysa laga bilaabo taariikhda uu Madaxweynuhu soo saaray, iyadoo masuuliyiinta cusub laga filayo inay gutaan waajibaadka loo igmaday si waafaqsan xeerarka iyo siyaasadaha hay’adaha ay hoggaaminayaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories