Toronto, Canada – (SLpost)- Magaalada Toronto waxaa lagu qabtay munaasabad heer sare ah oo ay goob-joog ka ahaayeen Saaxiibbada Somaliland, taas oo loogu dabbaa-degay xuska 35-guurada maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
Ka sokow Ujeeddada munaasibadda oo ahayd xuska maalinta, waxa munaasibadda lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi, iskaashi, iyo horumarka ay ku tallaabsatay Somaliland, waxaana masuuliyiin madasha ka hadlay ka mid ah Guddoomiyaha shirkadda COMEBACK Financial Group ahna xubin ka tirsan hoggaanka jaaliyadda Somaliland ee magaalada Toronto.
Cumar Kaahin waxa uu madasha ka sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay la yeelato beesha caalamka xidhiidh qoto dheer oo ku dhisan iskaashi, kalsooni, iyo himilo wadaag.
Cumar Kaahin waxa uu sheegay in aqoonsiga caalamiga ahi uu yahay mudnaanta ugu weyn ee Somaliland, isaga oo ku baaqay in dalalka dunidu ay si dhab ah u qiimeeyaan horumarka, xasilloonida, iyo awoodda dowladnimo ee Somaliland. Waxa uu xusay in Somaliland ay muddo dheer ku naalloonaysay nabad, nidaam dimuqraadi ah, iyo hay’ado dawli ah oo si hufan u shaqeeya, taas oo ka dhigaysa dal u qalma in si rasmi ah loo aqoonsado.
“Qadiyadda Somaliland waa mid ku dhisan adkaysi, go’aan adag, iyo isku filnaansho,” ayuu yidhi Cumar, waxaanu intaas raaciyey, “Maanta Somaliland ma aha oo keliya dal xasilloon—waa dal ay ka buuxaan fursado u furan ganacsiga iyo maalgashiga.”
Khudbaddiisa ayuu ku sheegay in Somaliland ay tahay meel fursado waaweyn ka jiraa, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, adeegyada maaliyadeed, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Waxa uu maalgashadayaasha iyo ganacsatada caalamka ku dhiirrigeliyay in aanay ku koobnaan xog ururin oo keliya, balse ay booqdaan Somaliland si ay indhahooda ugu arkaan xasilloonida, koboca dhaqaalaha, iyo fursadaha bannaan.
“Somaliland waxay diyaar u tahay iskaashi, maalgashi, iyo xidhiidh qoto dheer oo ay la yeelato beesha Caalamka,” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyey, “Madaxda, ganacsatada, iyo marti-sharafta caawa halkan joogta, waxaan idinku martiqaadaynaa inaad qayb ka noqotaan geeddigan geeska Afrika ka tisqaaday oo aydaan daawadayaal ka noqon. Sababtoo ah horumar lama sheego oo keliya—waa la dhisaa. Waxaana lagu dhisaa iskaashi, kalsooni iyo Himilo-wadaag”.
Cumar Kaahin ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay soo dhowaynayso iskaashi ka baxsan maalgashiga tooska ah, sida waxbarashada, caafimaadka, hal-abuurka, tiknoolajiyadda, iyo is-dhaafsiga aqoonta. Sida uu sheegay, iskaashi waara laguma dhiso ganacsi oo keliya, balse waxaa saldhig u ah dadka iyo xidhiidhka bulshada.
Ugu dambayn, hadalka micnaha weyn ku fadhiya ee Cumar ka jeediyey munaasibadda, waxa uu muujinayaa sida jaaliyadda Somaliland ee dibaddu ay door firfircoon uga qaadanayaan kor u qaadidda sumcadda Somaliland iyo soo jiidashada maalgashi iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo cusub. Waxay sidoo kale xoojinaysaa fariinta ah in Somaliland ay tahay dal xasilloon, leh himilo fog, isla markaana diyaar u ah inuu noqdo saaxiib lagu kalsoonaan karo oo caalami ah.
Somalilandpost.news


