Xidhiidhka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Israel ayaa galay marxalad cusub kadib markii safiirka Israel u qaabilsan Somaliland, Michael Lotem, uu shaaciyey in labada dhinac ay doonayaan iskaashi ballaadhan oo taabanaya dhinacyada horumarka iyo istiraatiijiyadda.
Wareysi uu bixiyey safiirku ayuu ku sheegay in Somaliland ay si weyn u danaynayso khibradaha iyo tiknoolajiyadda Israel, gaar ahaan dhinacyada tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha, isgaadhsiinta, waxbarashada iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah.
“Rabitaanka Somaliland ee ku aaddan iskaashiga Israel aad ayuu u xooggan yahay, waxaana jira fursado badan oo labada dhinac ka wada faa’iidaysan karaan,” ayuu yidhi Lotem oo Jimcihii shalay u warramay warbaahinta All Israel News.
Madaxweynaha Somaliland Abdirahman Mohamed Abdullahi ayaa isagu hore u soo dhaweeyey xoojinta xidhiidhka labada dhinac oo uu ku tilmaamay tallaabo horseedi karta iskaashi cusub oo ka hanaqaada Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.
Aqoonsiga Israel Iyo Saamayntiisa
Bishii December 2025 ayay Israel noqotay dowladdii ugu horreysay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsata Somaliland, waxaana tallaabadaas loo arkay guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah.
Tallaabadan ayaa sare u qaadday meeqaamka Somaliland ee caalamka iyogobolka, iyadoo dunidu si dhow ula socoto isbeddellada siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee ka socda Geeska Afrika.
Sidoo kale, bishii hore ayaa Michael Lotem loo magacaabay safiirka ugu horreeya ee Israel u qaabilsan Somaliland, inkasta oo aanay jirin safaarad Israel ku leedahay Hargeysa.
Khayraadka Dabiiciga Ah Iyo Maalgashiga
Sida lagu daabacay warbaahinta caalamka, Somaliland waxa ay leedahay khayraad dabiici ah oo ay ka mid yihiin shidaal, gaas, dahab, bir iyo dhuxul, kuwaas oo indhaha caalamka soo jiitay sanadihii dambe.
Safiirka Israel ayaa waraysigan ku sheegay in shirkado iyo maalgashadayaal badan oo Israel u dhashay ay xiisaynayaan sidii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen Somaliland, gaar ahaan dhinaca macdanta iyo tamarta.
Arrintan ayaa ku imanaysa xilli Somaliland ay dadaal ugu jirto soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo kobcinta dhaqaalaheeda gudaha.
Muhiimadda Juqraafiyeed Ee Somaliland
Somaliland ayaa ku taalla bogcad istiraatiiji ah oo muhiim u ah isu socodka ganacsi ka gudba Badda Cas iyo gacanka Cadmeed, taas oo ka dhigaysa goob ay danaynayaan quwadaha gobolka iyo kuwa caalamkuba.
Warbixino laga soo xigtay xarumo cilmi-baadhiseed oo laga leeyahay Israel ah ayaa sheegaya in Somaliland loo arko dal deggan oo la isku hallayn karo marka loo eego xaaladaha amni ee ka jira qaybo badan oo gobolka ah.
Xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Israel ayaa sidoo kale loo arkaa mid saameyn ku yeelan kara siyaasadda Geeska Afrika, iyadoo qaar ka mid ah dowladaha Carabta iyo Muslimka ahi ay dhaleeceeyeen tallaabada Israel ee aqoonsiga Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa u aragta xidhiidhkan mid fure u noqon kara iskaashi dhaqaale, mid amni iyo mid diblomaasiyadeed oo cusub.
Somalilandpost.news


