Hargeysa (SLpost)- Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, oo muddo toddobaad ah si habsami leh uga socday dhammaan gobollada dalka, ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah u soo geba-gaboobay.
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ayaa la soo afjaray Salaasadii toddobaadkan, iyadoo ay u fadhiisteen in ka badan 25,000 oo arday oo ka kala socday guud ahaan gobollada Somaliland.
Sidoo kale, maanta oo Khamiis ah ayaa la soo geba-gabeeyey Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 4-aad ee dugsiyada sare, taasoo si rasmi ah u soo xidhaysa imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee sannadkan.
Imtixaanka Shahaadiga ah oo furmay Sabtidii Toddobaadkan, waxa guud ahaan gobollada dalka u fadhiistay 42,519 arday, waana tiradii ugu badnayd ee abid ka qayb gasha imtixaanka tan iyo markii Somaliland dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, ayaa warbaahinta u sheegay in imtixaanaadku si nabadgelyo, hufnaan iyo nidaam leh ugu soo dhammaadeen dhammaan gobollada dalka.
Masuuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in maanta ay gobollada dalka ka soo ambabaxeen gaadiidkii siday waraaqaha imtixaanka, kuwaas oo la filayo inay saacadaha soo socda soo gaadhaan Xarunta Guud ee Imtixaanaadka Qaranka ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ka bilaabmi doonto hawsha sixidda iyo diyaarinta natiijooyinka.
Isbarbardhigga Tirada Ardayda Imtixaanka u fadhiisatay (2023–2026)
Marka dib loo eego xogta afartii sano ee u dambeysay, waxaa muuqata isbeddel ku yimid tirada ardayda u fadhiisanaysay imtixaannada shahaadiga ah.
Sannadkii 2023, imtixaanka waxa u fadhiistay in ka badan 41,000 arday, kuwaas oo ka koobnaa qiyaastii 25,000 arday oo fasallada 8-aad ah iyo 16,000 arday oo dugsiyada sare ah. Tiradaas waxa ku jiray 3,243 arday oo ka socday gobolka Sool.
Sannadkii 2024, tiradu waxay hoos ugu dhacday 38,489 arday, kuwaas oo ay 22,947 ahaayeen ardayda fasallada 8-aad, halka 15,542 ay ahaayeen ardayda dugsiyada sare.
Sannadkii 2025, tiradu waxay mar kale korodhay, iyadoo imtixaanka u fadhiisteen 40,749 arday. Kuwaas waxa 24,836 ahaayeen fasallada 8-aad, halka 15,696 ay ahaayeen ardayda dugsiyada sare.
Sannadkan 2026, tirada guud waxay gaadhay 42,519 arday, taas oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee afartii sano ee la soo dhaafay u fadhiisata imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland.
Somalilandpost.news


