HomeSomali NewsSomalilandSomaliland: Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare oo la...

Somaliland: Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Sare oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo H/Dhexe ee gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka ee Somaliland Daa’uud Faarax oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey natiijooyinka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8aad ee Dugsiyada H/Dhexe iyo Fasalka 4aad ee Dugsiyada Sare.

Imtixaanka Shahaadiga ah oo bishii June ee sannadkan ay u fadhiisteen 32,849 Arday oo isugu jiray 19,175 Wiil iyo 13,674 Hablood oo wax ka barta dugsiyada H/Dhexe iyo kuwa sare ee dalka kuwo dowli ah iyo kuwo gaar loo leeyahayba, waxa uu guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadku sheegay inay guulaysteen ama gudbeen 31,645 arday halka 1,112 arday-na imtixaanka ku dhaceen.

blankGuddoomiye Daa’uud Axmed Faarax oo natiijada imtixaanka ku shaaciyey shir-jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu sheegay inay fasallada 8aad imtixaanka u fadhiisteen 21,168 arday oo 20,009 arday ay gudubtay, halka 850 arday dhaceen, taas oo ka dhigan in boqolkiiba 95 ardaydu guulaysteen.

Isagoo ka hadlayey tirada ardayda gudubtay imtixaanka fasallada 4aad ee dugsiyada sare, waxa uu yidhi, ”Dugsiyada Sare tirada guud imtaxaanka waxa u fadhiistay 11,589 arday, tirada dhacday waa 262, oo u dhiganta 2.28%, halkaa waxa la fahmi karaa in ardaydu dadaal muujiyeen waayo tirada dhacday aad bay u yar tahay marka loo eego sannadihii ka horeeyay”.

Somalilandpost.news

contact@somalilandpost.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories